Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Ra’iisul wasaaare Gaas oo xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynaha Awdal State

$
0
0

Ra'iisul wasaare Gaas iyo Madaxweyne Rashid
Muqdisho(Saylac.com)-
Ra’iisul wasaaraha dawlada federaalka ah ee Somaaliyeed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti uu horkacayey madaxweynaha Awdal State mudane Rashid. Kulankan ayey labada masuul kaga wada hadleen sidii loo dardar galin lahaa iskaashi dhinacyo badan leh oo dhexe mara dawlada Federaalka Soomaaliyeed iyo maamulka Awdal State.
 
Madaxweynaha Awdal State Mudane Rashid Aw Nuur Xisrsi ayaa sheegay in la gaadhay waqtigii qaranimada somaliyeed dib usoo noqon lahayd waxaanu Madaxweynuhu intaa ku daray in ay Awdal State ka go’an tahay soo celinta karaamadii iyo qaranimadii umada Soomaaliyeed.
Dhinaca kale Ra’iisul wasaare Gaas ayaa sheegay in xukumadiisu aqoonsan tahay Awdal State isla markaana ay xidhiidh dhinacyo badan leh iyo iskaashi la samayn doonaan.
Waftiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Awdal State ayaa baryahanba ku sugnaa magaalo madaxda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.
 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>