Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Puntland oo Si Kulul Uga Hadashay Dagaalka Buuhoodle Digniin Culusna u Dirtay Somaliland

$
0
0

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska warfaafinta ee Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa lagu cambaareeyey dagaalka ay Ciidamada Somaliland kusoo qaadeen degmada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn.
Warsaxaafadeedka ayaa cambaareynta kadib maamulka Somaliland waxaa looga digay sii wadista dagaalka Buuhoodle, waxaana lagu xusay in ay cawaaqib xumo kala kulmi doonto.
Puntland waxay ugu baaqday Somaliland in ay Ciidamadeeda kala baxdo guud ahaanba gobolada SSC ee Sool, Sanaag iyo Cayn, haddii arrintaasi dhici waydo ayaa waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in Puntland aanay u dul qaadan doonin dhibaataynta shacabka SSC.
Sidoo kale warsaxaafadeedka kasoo baxay maamulka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalkii Buuhoodle uu ka dhashay khasaare soo gaaray dad rayid ah, sidoo kalena ay ku bur burtay hanti ay lahaayeen dadka deegaanka ee rayidka ah.

Warsaxaafadeedka ayaa waxaa maamulka Somaliland lagu sheegay dad kasoo horjeeda midnimada iyo sidii loo heli lahaa Dawlad buuxda oo Soomaaliyeed siddaasi darteedna deegaaanada ay soo weerartay ay yihiin dad aaminsan Soomaalinimada.
Ugu dambayntii maamulka Puntland waxa uu ka tacsiyeeyey dhamaan dhibaatadii ka dhalatay dagaalkii Buuhoodle waxaana uu u balan qaaday taageero dhinac kasta ah.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>