Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

War saxaafadeed: Golaha Wasiirada oo shir xasaasi ah maanta ku yeeshay magaalada Muqdisho

$
0
0

(Muqdisho,19 January 2012) Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada oo uushir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaalooga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin safarkii Ra’iisul Wasaaraha kutegey Kenya iyo Djibouti, arrimaha amniga, Gargaarka Bani’aadanimo, canshuurahaberriga iyo warbixin wasiirka Haweenka iyo 3 wasiir ku xigeen oo ka qeybgalayshir ka dhacay Tunis.
Ugu horreyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu Nairobi uga qeybgalay 09kiiJanaayo shirka isku xirka iyo la socoshada Roadmapka. Shirkan ayey beeshacaalamku ku ammaaneen Dowladda Soomaaliya horumarka ballaaran ee laga sameeyeyRoadmapka sida dhanka amniga, dib-u-heshiisiinta, isku xirka maamulada iyodowladda dhexe, dastuurka iyo dib-u-habeynta baarlamaanka. Sidoo kale Ra’iisulWasaarahu waxuu ka warbixiyey booqashadii rasmiga aheyd ee uu ku tegey Djiboutioo uu sheegay in Madaxda Djibouti ay si heer sare ah u soo dhoweeyeen, islamarkaana uu la kulmay Madaxweynaha Djibouti Ismail Omar Gelleh, Ra’iisulWasaaraha Djibouti Dileyte Mohamed Dileyte iyo qaar ka mid ah wasiiradaDjibouti. Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay in Dowlada Djibouti ay rajo badan kamuujiyeen horumarka ballaaran ee Dowladdu ku tallaabsatay ee dhan walba sidaabaaraha, amniga, iyo dhaqangelinta roadmapka.
Wasiirada Amniga ayaa sheegay in horumar weyn laga sameeyey dhanka amniga oo howlgalo ayciidamada amnigu sameeyeen lagu guuleystay oo 12 qof lagu soo qabtay iyo 18 qori.Golahu waxey ku ammaaneen hay’adaha amniga dadaalkooda waxeyna isku raaceen indegmooyinka ay hay’adaha amniga kala shaqeeyaan sidii amniga loo sugi lahaaisla markaana loo soo celin lahaa kala danbeyntii iyo sharaftii shacabkaSoomaaliyeed. Goluhu waxey ku ammaaneen shacabka sida ay ula shaqeeyeenhay’adaha amniga, kana codsadeen in shacabka iyo hay’adaha amniga ay siixoojiyaan wadashaqeyntooda.
Guddiga Wasiirada Abaaraha ayaa warbixin siiyey golaha ee ku wajahan sida ay u socdaanhowlaha gar-gaarka bani’aadanimo, waxeyna sheegeen in qorshihii Dowladda eedib-u-dejinta barakacayaasha uu bilowday oo dhowaan la qorsheynayo in illaa 10kun oo qoys loo sameyn doono dib-u-dejin dhameystiran.
Wasaaradaha Maaliyadda iyo Gaadiidka ayaa ka warbixiyey howlo lagu hirgalinayo canshuurahagaadiidka, waxeyna sheegeen in qorshahaas uu si wanaagsan u socdo. Golahu waxeyugu baaqeen gaadiidleyda inay iska bixiyaan canshuuraha ku waajibay oo 1daFebraayo gaadiidka aan bixinin canshuurtii ku waajibtay la saari doono ganaax.Wasaarada Maaliyada ayaa waxey ka warbixisay muhiimada canshuuraha si loofuliyo adeegyada bulshada oo ay ka mid yihiin amniga, waxbarashada, caafimaadkaiwm, waxeyna ka codsadeen in ganacsatada ay kala shaqeeyaan wasaaraddamaaliyadda howlaha canshuur ururinta.
Ugu danbeyntii Wasiiradda Haweenka ayaa waxey ka warbixisey shir ay ka qeybgashayoo looga hadlayey gudniinka fir-fircoon oo ka dhacay magaalada Garowe oo aysheegtay in shirku uu ku dhamaaday guul iyo is-fagarad isla markaana ay kalatashan doonto wasaarada caafimaadka iyo garsoorka dhaqangelinta barnaamijkan.Sidoo kale golaha waxa warbixin siiyey wasiir ku xigeenada Biyaha, Tamarta, iyoBeeraha iyo Xanaanada Xoolaha oo safar shaqo ku tegey magaalada Tunis, kulamanala yeeshay Bankiga Horumarinta Afrika oo ay sheegeen in Bankigu uu diyaar uyahay inuu maalgeshi ku sameeyo Soomaaliya. Waxey kaloo sheegeen in Ra’iisulWasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali uu u saxiixay Bankga HorumarintaAfrika 3 million oo mashaariic biyo gelin ah loogu sameynayo Somaliland.
- DHAMAAD-


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>