Gudoomiyaha gobolka Banaadir hana duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo safar shaqo ku joogay maalmahanba dalka Britain ayaa ka hor inta uusan soo gabagabeyn safarkiisa waxa uu gadoomay gaadiid isugu jira dab damisyo iyo ambalaasyo kaasi oo loogu deeqay dowladda hoose ee Xamar.
Xaflada uu gudoomiyaha gobolka Banaadir kula wareegayey gaadiidkan oo ka dhacday magaalo 180KM u jirta magaalada Bristol ayaa waxaa tirada gaadiid ee loogu deeqay dowladda hoose ee Xamar ay gaarayaan Laba gaari oo nooca dab damiska ah iyo Seddex gaari oo ambalaasyo ah waxaana ugu deeqday hay’adda Iqra Trurst oo fadhigeedu yahay dalka UK.
Mudane Maxamuud axmed Nuur Tarsan oo ka hadlay munaasbadii uu gaadiidkan kula wareegay ayaa u mahad celiyey mas’uuliyiinta hay’adda Iqra Trust iyo Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka ingiriiska oo arintan gacan weyn ka geystay waxaana uu gudoomiye Tarsan tilmaamay in arintan gacan weyn ka geysan doonto dib usoo laabashada nolosha Muqdisho.
Mas’uul u hadlay hay’adda Iqra Trust ayaa ku amaanay Jaalliyadda UK gacanta ay arintan ka geysteen waxaana uu dhanka kale tilmaamay in hay’addu qorsheyneyso gaadiid kale oo isla dowlada hoose ee Xamar ay ugu deeqayaan kuwaasi oo ay ka mid yihiin gaadiidka qashinka lagu daabulo.
Xaaji Macoow oo isna ka mid ah Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Bristol islamarkaana ku hadlayey afka jaalliyada UK ayaa sheegay in hadii ay qurba joogto iskaashato wax weyn ka qaban karaan dib u dhiska dalka tanina ay arintaasi marqaati u tahay.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa mudooyinkanba dadaal xoogan ugu jiray sidii gaadiidkan iyo waxyaabo kale oo farabadan ay ku heli laheyd dowladda hoose ee Xamar waxaana uu dhowr jeer kulammo uu qurba joogta ugu ifinayo ka qeybqaadashada horumarka iyo dib u dhiska dalka kula yeeshay dalal ka tirsan qaaradda Yurub.
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub +442035190460
USA & CANADA +17124327760
↧
Duqa Magaalada Muqdisho Oo Gadoomay Gaadiid Isugu Jira Dab Damisyo Iyo Ambalaasyo
↧