Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Faallada Halganka: 8da Maarso, Maalinta Haweenka ee Caalamiga ah, haweenka Soomaaliyeedse waa sidee xaaladoodu?

$
0
0

Sanad walba maanta oo kale laga soo bilaabo sanadkii 1909 waxaa dunidan aan ku noolnahay siyaabo kala duduwan looga xusayay maalinta Haweenka ee caalamiga ah, maalintaas waxay Haweenkakoonka ku nool u tahay astaan u gaar ah oo ay ku il-doogsadaan.
Dunidan dusheeda, qarnigan aynu ku jirno waxaa wadamada qaar lagu arkaa Haween horboodaya hogaanka iyo horumarka deegaanadooda ama dalalkooda, sidoo kale waxaa la arkaa haween si xun loola dhaqmo ama u liidan oo aan xitaa hooyonimo loo xushmadeyn.
Haweenka qaarkood waa la faquuqaa, qaarkood waa hagardaameeyaa, qaarkood kale oo badanna waxaa loo layacaa siyaabo badan oo aan qormo qofi aoray lagu soo koobi karin.
Dhankeeda haddii aan u soo dhaadhacno Haweenka Soomaaliyeed, hooyooyinka Soomaaliyeed waxay abid ahaayeen kuwa huga iyo garashadaba ka qani ah oo aan cad la quura laheyn, waxaana si gaar ah loogu xusuustaa xiliyadii uu dalku ku jiray gumeysigii tooska ahaa.
Ragga iyo haweenku waa midig iyo bidix diinteena Islaamkuna waxay haweenka siisay xuquuqda waafi ah oo aan saluug laheyn, xuquuqdaas oo runtii ka sareysa tan ay hadda heystaan ama la sheego in la siiyay haweenka ku nool dunida horumartay, haweenkaas oo qaarkood ay xitaa yihiin madaxda ugu sareysa dalalkooda.
Soomaaliya dowladdii kacaanka aheyd oo ka tis-qaadeysa Hanti-Wadaaga beri dunida kula xafiiltami jiray Hanti-goosadka ayaa waxay mar qura ku dhawaaqday in Haweenka iyo Ragga dhnka kasta ka siman yihiin, hadalkaas ama go'aankaas oo runtii doodo diimeed iyo ismaan-dhaafyo badan dhaliyay balse aan arrintaas u daayo meeshii looga soo haray iyo wixii laga dhaxlay.
Labataankii sano ee ugu dambeysay ayaa waxaa la ogaaday xaqiiqda dhabta ah ee Hooyo ama Haween ku aasay, waxaa la ogaaday in Haween la'aantood aan hambada Soomaali ka hartay nolol looga tashadeen kadib markii ragii ay u kala qeybsameen, gacan ku dhiigle, uur-ku dhiigle, jeebka ku dhiigle, af ku dhiigle iyo meel walba ku dhiigle.
Miyi iyo magaalaba waxaa marag ma doonto ah in hooyooyinka Soomaaliyeed ay u hubqaateen islamarkaasna naftooda u hibeeyeen badbaadinta inta ka hartay maatida Soomaaliyeed ee dhinacyo badan midida looga afeysanayo.
Waxaad arkeysaa runtii hooyo Soomaaliyeed oo diifta, habaaska iyo hujuumka u babac-dhigeysa si ay u quudiso dhallaankeeda, u bixiso waxbarashadooda iyo caafimaadkooda balse nafteeda ilowday oo aan xitaa dib u eegin lafaheeda.
Hadal badan haan ma buuxshee Soomaaliyeey qiyaas maanta meesha aan joogno iyo meesha aan joogi laheyn haddii sida Raga Soomaaliyeed ay u dhaqmeen welina u dhaqmayaan ay haweenkeenuna u dhaqmi lahaayeen!.
Mahad Alle ayaa iska leh, Allahaas oo Rixim hooyo nagu beeray kadibna, nagu koriyay dhabteeda iyo dheecaankeeda.
Haween waa hooyo, Hooyana waa Haween.
halgankanet@gmail.com 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>