Muqdisho:(GMN) Dhowr qof ayaa geeriyootay halka qaar kalene ay dhaawecmeen kaddib markii uu rogmaday gaari TM ah ku sii jeeday magaalda Muqdisho.
Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa isugu jira ragg iyo dumar, kuwaas oo ka soo safaray gobolka galgaduud gaar ahaan Ceeldheer, waxa uuna ku sii jeeday magaalada Muqdisho,
Gaariga TM-ka ah ayaa ku qalibmay ama ku rogmaday Geel gub oo ka tirsan gobolka shabeelada dhexe.
Gaariga TM-ka ah ayaa ilaa iminka ku jiifa rakaabkiisaraana, waxaana la sheegayaa in dadka qaar ay dabanayaan caiwinaad si looga dulqaado gaariga oo si diran urarnaa.
Dadka ilaa hadda dhimadooda la soo gubiyay ayaa waxaa laga aqoonsaday Shamso Daahir Maxamed Afrax oo ka mid hayd ganacsatada sida weyn looga yaqaano gobolka galgaduud, gaar ahaan Ceel dheer.
Maxamed Muxuyadiin Xuurey iyo cabaas Maxamuud Shiikh Axmed Caraay oo ku kala sugan magaalaooyinka Nairobi iyo Ceel Dheer ayaa usheegay wariye Maxamed Shidane Dabaan in gaari TM ah uu ilaaa hadda ku duljiifo dad rayid ah oo ubadan Rag iyo Dumar ayna ka warheleen, kaddib markii soo wacay kirishboygii gaariga, waxa ayna shilka ku tilmaameen mida sababay khasaaro aad u weyn dhimashada dhowr qof.
Kirishboygii gaariga oo shilkan ka badbaaday ayaa u waramay Wariye Maxamed Shidane Dabaan oo khadka telifoona kula xariiray , waxa uuna u sheegay in uu aad uga naxasan yahay qeylada ka yeeraysa rakaabka uu gaarigu ku duljiigfo.
Waxa uuna hadalkiisa ku daray in uu maqlayay dadka rakaabka ah oo ashahaadanaya, islamarkaana dalbanaya caawin iyo sidii dadka gaariga looga dulqaadi lahaa, waxa uuna hadalkiisa sii raaciyay kirishboygu in aysan haysan qalab ay uga dul qadaan gaariga rakaabka ku hoosjiraan.
Shilkan oo ah mid si xun ku dhacay ayaa illa hada aan si toos ah aan loo shaacin karin qasaaraha dhabta ah ee u sababay maadaaama uu dhacay xilli habee ah iyadoo goobtaasinaa aaan laga helin isgaarsiinta casriga ah.
Shilkan ayaa ku soo aadaya iyada oo maanta guud ahaan caalamka laga xusayay maalinata Haweenka aduunka, waxaana shilka ku dhimatay SShamso Dahir Maxamed Afrax oo gacanacsto caan ah ka ahayd gobolka galgaduud.
By: Mohamed Ali Abdi Royter
Gedoonlinenews@gmail.com
↧
Gaari Dad Shacab Ah kula rogmaday tuuladda Geelgub iyo Dadkii oo Wali Baaburki ku Jiifo.
↧