Warsaxaafadeed:
Waqtiga Kala Guurka ee Dowlada KMG ah ee Soomaaliya
Ku: Dhamaan Malaaqyada, Odayaasha Reer Benaadir
Ku: Aqoonyahannada Reer Benaadir
Ku: Dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah ee Reer Benaadir
Ku: Jaaliyadaha Reer Banaadir ee dibadda ku nool
Ku: Dhamaan saxaafada Soomaaliya
Og: Dhammaan inta daneysa qadiyada Benaadir
Tariikh: 8 April 2012
Ujeeddo: Aragti ku aaddan Waqtiga Kala Guurka ah ee Soomaaliya
Waxaan ognahay in shirar badan oo heer caalami ah loo qabtay Soomaaliya si xal
loogu helo dhibaatada murugsan ee Somaalia. Laakin nasiib daro wax badan oo
faaido ah kama soo bixin. Si fiican ayaan oga dharaksanhay fadeexaddii iyo
musqmaasuqi ka dhacay shirarki uga danbeeyay ee ka dhacay Kenya, Jabuuti iyo
wiliba gaar ahaan sida xagdarada iyo musuqmaasuqa ah ee lago soo xulay xubnaha
reer Benaadir ku matasho Golaha Shacabka (Baarlamaanka) ku meel gaarka ah ee
la soo dhisay.
Sidaad ka warqabtaan waxaa dhowaan la qaban doona shir looga hadlaayo
ansixinta dastuur cusub oo la rabo in laga hergiliyo Soomaaliya marka oo dhamaado
waqtiga ku meel gaarka ah ee dawladda hada jirta. Ayado oo loo marayo qaabka
awood qeebsiga xaaraanta ah ee 4.5-ka waxey rabaan in dastuurka cusub
ansixiyaan ilaa 825 qof oo kala imaanayo qabiilada Soomaliya oo dhan. Waxa taas
ka horeeyso in bishaan April dhamaaddkeeda ay dhamaan kaabo qabiilada
Soomaliyeed ay isugu imaan doonaan Xamar Reer Benaadirna ay ku jiraan. Mar
labaad xallinta dhibaatada Soomaliya, nasiib daro waxa laag dhax raadinaya qabiil.
In kastoo aan raali ka ahayn nidaamakan cunsiriga iyo dulmiga ah ee 4.5 haddana
waxaa lagama maarman ah in Reer Benaadir ay kaalintooda ku aaddan ka qaataan
siyaasada jirta waqtigan kal guurka si ay u soo xullan lahaayeen dadkii u mataali
lahaa. Waxaa muuqata in malaaqyada iyo odoyaasha Reer Benaadir ay weli u
cadeyn qaabka ay rabaan inay u wajahaan arrintaan. Malmahaan Xamar Weyne
waxaa ka socda dhaq dhaqaaq siyasadeed oo la rabo in lugu jahawareeriyo dadka.
Waxa soo noolaaday “siyaasiyiintii” hore oo ku shaqeysan jirtay in ay matalaan
Benaadir iyagoo la arkin meel ay ka baxeen ilaa shirkii ugu danbeeyay. Weligood 2
lama maqal iyagoo ka halaayo maslaxadda Benaadir, hadana waxay rabaan in
sidooda howshooda u wataan.
Sidaa daradeed waxaan ku talineyna qodobada soo socda:
· In si deg deg ah loo qabto shir ay isuga yimadaan odiyaasha, malaaqyada
reer Benadir bishaan gudaheeda. Shirkaan waxaa loogu hadli doona
mawaaqifka reer Benaadir ee ku aaddan xilligaan kala guurka, waxaana lagu
dhisi doona wafdiga (ergada) oo uga qayb gala lahaa shirweynaha ayadoon
aan ku jiriin “siyaasiyiinti” hore.
· Waxaan ugu baaqaynaa dhamaan Reer Benaadir meel kasta ha joogeen
gudo ama dibadba inay taageeraan isla markaana ka qaybqaataan
qabsoomida shirkaan muhiimka ah. Waxaanu soo jeedinaynaa oo kale in
shirkaan la qabto inta aanan la gaarin April 25-keeda 2012 oo ku aaddan
marka hogaamiye dhaqameedyada Soomaalia oo dhan lagu wado inay ku
kulmaan Xamar. Waxaana u aragna in ay waajib tahay in la taageero,
kalsooni buuxdana la siiyo go’aamada ay la yimaadaan odiyaasha iyo
malaaqada reer Benadir.
· Si lo adkeeyo midnimada Reer Benadir waxa lagama marmaan ah in loo
dhaafo xulashada dadka matalayo reer Benaadir Malaaqyada iyo Odiyaasha
reer Benaadir si lo ixtraamo kala danbeentii dhaqameed ee “ASALOOW” ay
ku dhaqmi jireen ab ka ab.
· In “siyaasiyiinti” hore madaama ay dhumiyeen kalsoonida dadka ay faraha
kala baxaan howshaan lo xilsaaray odiyaasha kana fugaadaan waxyaala kala
qeebin karo midnimado dadkeena sida musuqmaasuqa iyo laaluush bixinta.
Reer Benadir waxay u baahan yahiin shaqsiyaad cusub oo nadiif ah.
· In laga fugaado jalaafada loo dhigaayo midnimada Benadir qaasatan ay
wadaan kuwa calooshood u shaqastayaasha ah oo dibida joogo
caadaystayna in ay ku dhaqmaan fikradda raaqiiska ah oo hadda laga
xishoodo oo ah “Midib u kala sooc ee xukun”.
WA BILLAAHI TOWFIIQ
Kuwa daneeyo maslaxada Benaadir.
↧
Warsaxaafadeed xiliga kala-guurka
↧