Madaxweynaha dowladda KMG ah ayaa la sheegay inuu ku dhici rabo dabin ama siriq siyaasadeed oo ey u maleegeen qolooyin dhowr ah oo loolan siyaasadedd kula jira madaxweynaha doonayana iney la tartamaan marka xiligiisu dhammaado. Siriqdan siyaasadeed oo uu san fahmin madaxeynaha iyo ragg badan oo ka tirsan reer aala sheekh ayaa timid kadib markii madaxweyhaha qooliyin u shaqeeya ragga ka soo horjeeda u sheegeen inuu eeedeeyo qaar kamid ah wasiiradiisa oo aan isaga maqaam u ahayn maadaama uu yahay madaxweynaha dalka iyadoo waxa dhimana ey yihiin dhowr bilood.
Waxyaabaha ey qoonsadeen ragga loolan siyaasadeed kula jira madaxweynaha ayaa la sheegay iney kamid yihiin xifaaltan siyaasadeed oo cajiib ah uu u galay siyaasada dalka somalia. Siyaasahaaas ayaa waxaa kamid sidii uu isugu xilqaamay duugtii madaxweyhihii ee somalia Col. Cabdullahi Yuusuf, safaradii uu ku tegay garowe, gaalkacyo iyo cadaado oo dhammaantood ey ka shaqeeyeen reer alla sheeikh oo ciyaaray qoob ka cayaar siyaasadeed taas oo ka dhigeysa madaxweynaha oday soomaaliyeed oo isgu keeni kara shacabka soomaaiyeed. Arrintan ayaa rajo xumo ku abuurtay rag dhowr ah oo u qanqal taagayey iney la wareegeen booskiisa siyaasaded iyadoo ka dhigtay nin states man ah ama oday soomalyeed.
Laakiin arintaas ayaa u eg mid ey doonayaan ragga hardanka siyaasadeed kala dhexeeyo madaxeynaha iney hal bacaad lagu lisay dhigi rabaan kamid markii rag hoos ula socda raggan madaxweynaha la hardamaya ey dhegta ugu sheegeen in uu eedeeyo mid mid ah wasiiradiisa ugu shaqada badan isla markaasna kamid kuwa isaga u ugu raacsanaan badan iyagoo ku raadsaday qabiilka uu ka soo jeedo si arintan loogu ekeyso in madaxweynuhu u raaadsanayo wasiirka si qabali ah.
Sida muuqata rag kamid ah reer aaala sheikh ayaa iyagu fahmday arinta iyagoo isku dayaya iney si dhakhsa ah ku damiyaan arinta iyadoo la sheegi doono in laga war sugo baaritaankii la iclaamiyey.
Wasiirkan la eedeeyey oo isaga laftiisu khabardaar ah siyaasadan phychologyiga ah ee adduunka laga wada isticmaalo ayaa isaga laftiisu fahmin siriqda loo dhigayo isagoo u qaatay in isaga weerar lagu hayo uusan istaahilin kadib markii lagu eedeeyey in wasaaradiisu eysan u soo sheegin ciidamada amniga xafladan kuwa baaswadayaasha ahi dadka waxgalka u ah dalka ku laayeen.
Duqa Magaalada muqdisho oo isagu laftiisu ka mid ah reer aala sheeikh ayaa maanta eed u soo jeediyey siyaasiyiin uu ku sheegay iney doonayaaan in khal khal siyaasadeed ka abuuran magaalada Muqdisho taas oo salka ku heysa arin qabyaaladeed khaasatan beelaha magaalada Muqdisho oo sanadihii madaxweynuhu dalka talinayey meel isula jeeday. Sheekada duqa magaalada muqdisho ayaa dad dhowr ahi sheegeen iney ka soo ureyso arin Muduloodsi taas runtii ah mid uusan madaxweynuhu marna isticmaalin tan iyo markii loo doortay inuu dalka hoggaamiyo.
Si kastaba haddii aan la damin arintan siyaasadeed ee loo maleegayo madaxwenaha iyo ragga isaga iyo qaranka u shaqeeya ayaa waxey keeni kartaa in madaxeynaha sumcadiisu hoos u dhacdo iyadoo rag raja beelay rajja ka geli doonto booska madaxweynaha taas aan sida aan aamisanahay wax dan ahi ku jirin shacabka soomaaliyeed oo iftiin yar u soo bidhaamayo.
halgankanet@gmail.com