Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Warbixin aan idinkaga heyno xaalada degmada Ceelbuur iyo degaanada ku hareersan kadib qabsashadii ciidamada Xabashida

$
0
0

Wararka aan ka heleyno magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in tan iyo markii ciidamada Itoobiyaanku halkaasi gaareen ey magaaladu ahayd mid faaruq ah oo uusan ka socon wax dhaqdhaqaaqa marka laga reebo meelaha isgaarsiinta qaar kamid ah oo ey wax ka joogaan ciiidamada xabashidu.

Magaalada Ceelbuur iyo degmooyinka kale sida Wabxo, Dac iyo Maxaas oo ka kala trisan gobolka galgaduud iyo hiiraan ayaa la sheegay inaan dadka shacabka ahi u soo iibgeyn badeecadooda kala duwan sida caanaha, xoolaha iyo dalagyada kale ee daruuriga ah.

Waxaa sidoo kale xiran bakhaarada cuntada iyo suuqyadii xoolaha nool lagu gedi jiray iyadoo dadku badankooda wax ka gataan macaashyo ku yaala duleedlka magaalooyinka ey qabsadeen ciidamada xabashidu. Dadka shacabka ah ayaa waxey kala aadeen magaalooyinka kale ee gobolka sida Ceel la helay, derri iyo dhulka biyaleyda ah ee duleedka wabxo sida Waragibile, Afhaay iyo Ceelafweyne.

Ciidamada Xabashida ayaa la sheegay iney soo foodsaartay nolol xumo kadib markii wax badeecad ah la keeni waayey magaalooyinka ey qabsadeen iyadoo ey magaalooyinka haawanayaan.

Shalay ayey ahayd markii diyaarada u siday saad iyo hub ciidamda Xabashidu ka soo degagay madhaarka magaalada Ceelbuur kadib markii uu khal khal galay noloshii ciidamada xabashida ee halkaasi iyagu qabsaday oo iyagu caadi u leh loona tababaray iney ka noolaan meela ey qabsadeen oo ah waxa afka qalaad lagu yiraad "life of the land".

Isu Socodka ciidamada xabashida ayaa  sidoo kale aan la iksu haleyn karin iyadoo ey jidadka ugu jiraan ciidamadii Alshabaab ee iyagu horey u joogay magaalooyinka ey haatan xabashidu qabsadeen iyadoo ey u egtahay in lagu daabuli doono saadkooda daruuriga u ah ciidamada Xabashida dhanka Cirka oo keliya.

Wararka kale ayaa sheegaya in dowladda KMG ah ey qorsheyneyso iney geyso ciidamada AMISOM magaalada Ceelbuur kadib markii ey diideen waxgarad ka soo jeeda gobolka iney la shaqeeyaan ciidamda Xabashida.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>