Ilaa iyo 5-Oday dhaqameed oo ka mid ah waxgaradka magaalada Kismaayo
ayaa xabsiga la dhigay, kaddib markii ciidamo ka tirsan xarakada
Al-Shabaab ay meelo kala duwan ka soo qabteen, isla markaana arrimaha
lagu eedeynayo odayaashaasi waxaa ugu weyn xiriir la sheegay inay la
leeyihiin dowladda KMG ah.
Maamulka xarakada Al-Shabaab ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay in
odayaasha ay dhinaca taleefanka warar ugu gudbinayeen dhinaca dowladda
iyo sidoo kale dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah iyaga iyo xiriiro ay la
sameynayeen Dowladda KMG ah, inkasta oo aan la ogeyn goorta odayaashaasi
la sii deynayo.
Magaalada Kismaayo waxaa haatan ka socda dadaalo la doonayo in odayaasha
lagu sii daayo, isla markaana maamulka Al-Shabaab ee halkaasi ka
arrimiya looga dalbanayo in si shuruud la’aan ah lagu sii daayo
waxgaradka isla markaana dib loo eego arrimaha lagu eedeynayo.
Dhinaca kale maamulka Al-Shabaab ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay
sidoo kale inay jiraan dhaqdhaqaaqyo kale oo ka socda magaaladaasi,
iyagoona u hanjabay cid kasta oo halkaasi ka wada dhaqdhaqaaqyo aysan
iyagu la socon.