Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Madaxweyne Shariif oo ka hadlay Dastuurka qabyada ah oo la soo bandhigay iyo dhaliilo laga dhadhasan karo hadalkiisa

$
0
0

(Muqdisho, Soomaaliya  September 4,
2010,  Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa maanta
ka hadlay Dastuurka qabyada ah ee  uu soo bandhigay Guddiga Federaalka
Dastuuriga ah ee Madaxabannaan.

Madaxweynuhu, war-murtiyeed uu siiyey
warbahinta, wax uu ku yiri, “Dastuur cusub oo Soomaaliya loo sameeyo waa
howl qaran oo ahmiyad gaar ah leh, muggeeduna ballaaran yahay, taas oo
ay tahay in uu ahaado hab cad oo aan daldaloollo lahayn islamarkaana ku
fadhiya sharciyad iyo qaneeco shacab.”

Madaxweyne Sheekh Shariif waxaa kale oo
uu tilmaamay “Si loo helo Dastuur dhab ahaan ay Soomaali leedahay, waa
in qoraalka qabyada ah uu noqdo mid ay ka dhex muuqato yididiilada iyo
danaha shacabka Soomaaliyeed, taasina waxaa lagu gaari karaa ka qeyb-gal
dadweyne oo aad u ballaaran.”

Madaxweynuhu isagoo aqoonsan dadaalka
iyo howsha culus ee uu Guddiga Federaalka Dastuuriga ah ee Madaxbannaan
qabtay, wuxuu yiri “ annagoo og in Dastuurkan qabyada ah uu yahay mid
sii wanaajinaya Axdigii KMG ahaa, haddana wuxuu u baahan yahay hufid iyo
wax ku darid ka yimaada muwaadiniinta Soomaaliyeed, khubarada sharciga,
culumada diinta iyo xubnaha baarlamaanka si loo xaqiijiyo inuu ka
turjumayo danta iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed”.

Isagoo arrintan ka hadlaya, Madaxweynuhu wuxuu soo jeediyay in la sameeyo Guddi Qaran Oo Talo Bixin oo ka kooban Xubnaha Baarlamaanka, khubaro sharci, khubarada dhaqan iyo shacab weynaha.

“Naf-huriddii iyo dhiiggii wasiirrada,
xubnihii Baarlamaanka iyo dhiigga hadda daadanaya ee shacabkeenna iyo
askarteenna ayaa nagu khasbaya in aan dalbanno Dastuur dhammeystiran oo
aan ceeb lahayn oo ah mid Soomaalida ka yimid oo danahooda ku qotoma.”
Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Dhanka kale, Madaxweynuhu isaga oo
ishaaraya qaabka loo wejihi karo samaynta Dastuur cusub iyo
ansixintiisaba waxa uu yiri, “Dastuur si uu ku noqdo dastuur Qaran, waa
in uu helaa afti dadweyne, waana taa midda laga doonayo xukuumadda in ay waqtigeeda isugu geyso sidii lagu gaari lahaa, furuhuna waa in amniga la sugo.”

“Haddii taa ay ka hor yimaadaan caqabado waa weyn oo laga garaabi karo, waxaa xusid mudan in waxa hadda ay
Soomaali haysato -- oo afti dadweyne lagu ansixiyey -- uu yahay
Dastuurkii 1960-kii, Haddaba, iyada oo Baarlamaanka hadda jira ay
adeegsanayaan awoodda uu siiyey Axdiga KMG, ayay Dastuurkii 60-kii ku
dari karaan qodobada ka dhammin sida ku dhaqanka shareecada Islaamka iyo
habka maamulka Federaalka ah – go’aankase waa mid Baarlamaanka u yaal.”
Ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweyne Sheekh Shariif.

Ugu danbayntii, Madaxweynuhu, isaga oo
ka hadlaya, habka ansixinta dastuurka cusub iyo sidii horey loogu sii
socon lahaa marka uu dhamaado waqtiga DFKM ah -- oo ku eg bisha Ogosto
2011 -- waxa uu hoosta ka xarriiqay,  “Dowldda Fadaraalka Ku-meel
gaarka, oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha, Baarlamaanka iyo Golaha
Wasiirada -- in aanay weli si rasmi go’aan uga gaarin habka iyo qaabka
dastuurka cusub loo ansixin doono – taas oo markii la dhameeyo qoraal
Madaxweynaha lagu shaacin doono.”

Sida ku cad Dastuurkii 60-kii iyo Axdiga
KMG ah, hay’adaha dastuuriga ah, gaar ahaan xukuumadda ayaa laga rabaa
in ay soo bandhigaan qorshe hawleed, baarlamaanka ayaana sharciyad u
haysta in ay sharci ka soo saaraan qaabka dastuurka loo ansixinayo iyo
dhammaadka xilliga kala guurka, shuruucdaas oo dhaqan galaya markii uu
Madaxweynuhu saxiixo.”


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>