Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Hargeysa: Boqor Buurmadow oo Qaadacay Maxkamada Qaadeysa Dacwadiisa

$
0
0

image: 

Hargeysa (RBC) Boqor Cismaan Maxamuud Buurmadow ayaa shaaca ka qaaday maanta oo Axad ah inuusan hortagi doonin maxkamada qaadeysa dacwadiisa illaa inta uu ka helayo maxkamad caddaalad ku saleysan, sida uu sheegay qareenkiisa.
Garyaqaan Maxamed Siciid Xersi oo ka mid ah qareenada u doodaya Boqor Cismaan Buurmadow oo maanta wariyaasha kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa cadeeyay in qareenada ay goosteen inay joojiyaan ka jawaabida eedeynta xeer ilaalinta ay soo jeedisay ee lagu soo eedeeyey Boqor Buurmadow kadib markii sida uu sheegay, maxkamadu ay wax ka qabanweysay sharci daro ay ku kacday xeer ilaalinta dacwada soo oogtay.
“Waxaa dhacday in aanu dalbanay in wax laga qabto qodobada sharci ahaan loo cuskaday dacwada Boqor Buurmadow oo aan ahayn kuwo sax ah oo jira sidaa darteed Khamiistii ayey ahayd in mar labaad maxkamada lagu soo laabto oo wax laga soo bedelo qodobaasi laakiin may dhicin oo xeer ilaaliyuhu intii unbuu la soo laabtay gudoomiyaha maxkamaduna wax wuu ka qaban waayey,” ayuu yiri garyaqaanka u doodaya Boqor Buurmadow.
Garyaqaanka ayaa intaa ku daray in saddexda qareen ee difaacaya Boqor Buurmadow ay goosteen inay dacwada ka baxaan sidaasina ay ku wargeliyeen Boqor Buurmadow isaguna uu ka aqbalay.
“Markii aanu Boqor Buurmadow ku wargelinay arintan iyo go’aanka aanu qaadanay wuu naga aqbalay, isaguna wuxuu goostay inaanu mardambe maxkamada hortegi doonin illaa inta uu caddaalad ka helayo” ayuu qareenku sii raaciyey hadalkiisa.
Garyaqaanka ayaa ku eedeeyey maxkamada iyo xeer ilaalinta inay u hogaandan yihiin faragelin xukuumadda iyo madaxtooyada Somaliland ku hayso dacwada Boqor Buurmadow, wuxuuna sheegay in wasiiro ku dhow madaxtooyada ay hoos ka riixayaan eedaha loo heysto Boqor Buurmadow.
Khamiistii toddobaadkii dhamaaday ayaa loo ballansanaa in markale dib loo furo maxkamada Boqor Buurmadow oo hadda xiran mudo ka badan labo bilood ah hase yeeshee waxaa maxkamada ay dhici weysay kadib markii garyaqaanada u doodaya Boqor Buurmadow ay ka biyo diideen eedaha la soo celiyey ee xeer ilaalintu keentay kuwaasoo horey ay u dalbadeen in wax laga soo bedelo qodobada looo cuskaday.
Lama oga xilliga maxkamadadib loo furi doono maadaama uu Boqor Buurmadow qaadacay maxkamada, waxaana weli aan jirin wax hadal ah oo ka soo baxay xeer ilaalinta iyo xukuumadda oo la xiriira waxyaabaha lagu eedeeynayo.
 
 
RBC Radio
Xafiiska Wararka Hargeysa


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>