image:
Xubinta Ganacsiga Cayaartoyda Juventus oo u dabaal dagaya Mirko Vucinic goalka uu dhaliyay intii ay socotay ciyaartii Serie A-da ay kaga soo horjeedeyn Cagliari axad. Sawirka /AP
Turin (RBC) Kooxda Juve ayaa horiyaalka Talyaaniga xaley hanatay tan iyo sagaalsano oo ay indhaha uun ka buuxsaneysay cida hanata, xiligaas oo ku beegned sanadkii 2003-, waxa ay arrintan ugu mahadcelineysaa weeraryahanooda Mirko Vucinic iyo Marco Borriello oo marwada duqa hamigaas siiyay.
Sidoo kale kooxda ka dhisan magaalada Turin-waxa ka dhigtay in aan laga badin 37-kulan horiyaalka Talyaaniga, taas oo lamacno ah in 22-kulan badisay 16-kalena ay barbardhac ama draw keentay 38-kulan ee horiyaalka la cayaaray xili ciyaareedkan.
Juventus waxa guul daro ugu dambeeysay bishii May 15-keedii xiligaas oo ay ka adkaatay kooxda Parma
Kooxda waxa ay dadka cayaaraha Talyaaniga u dhuun daloola lee yihiin waa xiligii ugu fiicnaa, waayo waxa daliil cad u ah, markii siddeed kulan oo isku xiga ay wada adkaatay marka laga reebo kulankii barbardhaca ee Arbacadii hore la gashay kooxda Lecce on Wednesday.
Kooxda Juventus waxa koob ugu dambeeyay sanadihii 2004-05 iyo 2005-06-laakin koobabka waxa looga qaaday kaddib markii ay ku soo baxday fadeexad, waxana kooxda loo celiyay ciyaaraha Serie B, laakin macalinka da’da yer Antonio Conte, mid ka mid ah kooxaha ugu waayeelsan Talyaaniga dib u soo celiyay sumacadeeda.
Arrinta kale ee saaka ay hadal hayaan wargesyad dalka Talyaaniga, waxa ay tahay in xidiga ku gaamuray kooxda Alessandro Del Piero uu ka dhaqaajinaayo kooxda xili ciyaareedkan, waxana uu noqday xidiga ugu waqtiga dheer ee soo maray kooxda, markii kaga soobiiray kooxda Padova sanadkii 1993-
Kooxda kaliye ee ku soo xigtya Juve, waxa ay ahayd, AC Milan, taas oo guuldaro 4-2 kala kulantay kooxda ay isku magaalada yihiin ee xifaalan Inter Milan cayaartii xaley ka dhacday San Siro stadium.
Inter’ Waxa goolasha seddax ka mid ah hat-trick Diego Milito ayaa ansixiyay labo la mid ah waxa ay ahaayeen Rogoorooyin, taas oo 2 iyo 1 qeybtii labaad bilowgedii .
AC Milan fursdan in ay kaluntay waxa cadeeyay xidigooda, Zlatan Ibrahimovic kaa oo sheegay in wax badan oo fursado ah, meesha u owlin.
Juventus, waxa ay horiyaalka u dabaal degtay iyadoo hal kulan ka harsan, yahay, waayo waxa ay hadda ku hoggaamineysa afar dhibcood oo nadiif ah,
Cayaaraha kale ee laga ciyaaray horiyaalka Italy – Serie Waxa ay u dhaceyn siddan
FT Siena 0 – 2 Parma
FT Atalanta 0 – 2 Lazio
FT Bologna 2 – 0 Napoli
FT Novara 3 – 0 Cesena
FT Palermo 4 – 4 Chievo
FT Udinese 2 – 0 Genoa
FT Cagliari 0 – 2 Juventus
FT Inter Milan 4 – 2 AC Milan
===================================
Horiyaalka England – Premier League oo ka harsan hal kulan sidan ayaa loo ciyaaray
Waxa madaxa isugu jira labada Manchester, laakin cida noqota horiyalka waxa ay kala cadaan doontaa toddobaadka dambe.
07:41 May 6
FT Newcastle U. 0 – 2 Manchester C.
FT Aston Villa 1 – 1 Tottenham H.
FT Bolton W. 2 – 2 West Bromwich A.
FT Fulham 2 – 1 Sunderland
FT Queens Park R. 1 – 0 Stoke C.
FT Wolverhampton W. 0 – 0 Everton
FT Manchester U. 2 – 0 Swansea C.
RBC Radio
————————
Xafiiska Cayaaraha Nairobi