Dalka Galbeedka Afrika ku yaala ee Seirra Leone oo bisha June ee soo socota la filayo in Soomaaliya u soo diraan Ciidamo gaaraya 800-askari qeyb ka noqonaya howl galka Amisom ayaa waxaa durba ka soo horjeestay qorshaha Ciidamada lagu geynayo Soomaaliya Ururada Mucaaradka dalkaas.
Urur lagu magacaabo an-African Community Movement (PACM) ayaa ugu baaqay dowladda inay si deg deg ah uga laabato go’aanka ay Ciidamada ugu direyso Soomaaliya.
War saxaafadeed ka soo baxay Ururkan PACM ayaa sheegay in aysan diidaneyn inay ka hor-jeesato in Sierra Leone ka qeyb qaadato caawinta dal ka tirsan Afrika, balse aanay habooneyn in reer Galbeedka ay adeegsadaan.
Ururkan ayaa sheegay inay dhibaato ka dhalan karto hadii Ciidamada loo diro Soomaaliya, gaar ahaan ammaanka dalkaas inuu qatar galayo.
Al-Shabaab ayaa dhowaan digniin u dirtay Dowladda Serra Leone, waxaana ay uga baaqday inay ka laabato go’aanka ay ciidamada ugu soo direyso, hadii kale ay la kulmeyso weeraro.
Dowladda Seirra Leone ayaa ku adkeysaneysa in ciidamo u diri doonto Soomaaliya June, iyadoo ciidamadan ka howl geli doonaan Gobolada Jubooyinka iyo Gedo, si ay ugu biiraan Ciidamada ka socda Kenya ee ka qeyb qaadanaya howl galka Amisom.
Midowga Afrika ayaa dhowaan sheegay in Ciidamo nabad ilaalin ah oo ka socda Seirra Leone ay tagi doonaan Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan howl galka Amisom.
↧
Mucaaradka Sierra Leone oo ka soo horjeestay Ciidamada loo dirayo Soomaaliya
↧