Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Oo Saakay Ku Dhowaad Kun Askari Tababar Ugu Soo Xeraya Dalka Ugandha

$
0
0

image: 

Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed General C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa saakay oo khamiis ah tababar ugu soo xeraya dalka Ugandha ku dhowaad Kun Askari oo kusoo biiraya Ciidammada Xoogga Dalkeenna.
Ciidammadan uu tababarka usoo xerayo Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa mudo Lix bilood ah waxey tababar ku qaadanayeen xerada Kamamba ee duleedka magaalo madaxda dalka Ugandha ee Kampala ayadoo tababarkaasina ay siinayeen Ciidammada Saraakiil ka socotay Midowga Yurub oo iyagu tababarradan maalgelinaya.
General C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa u jeedin doona Ciidammadan cusub ee tababarka uu usoo dhamaaday khudbad ku aadan waajibaadkooda iyo sida ay uga qeybgelayaan xoreynta dalka laga xoreynayo Maleeshiyada Al-Qaeda ayadoo sidoo kalena uu Taliyuhu Ciidammada qaarkood halkaasi abaal marinno ku gudoonsiin doono.
Marka tababarka loosoo xero Ciidammadan ku dhow Kunka Askari waxey dib ugu soo laaban doonaan dalkooda hooyo si’ay u gutaan waajibaadkooda islamarkaana ay uga dhabeeyaan dhaartii ay u mareen dalka,dadka iyo diinta.
Xerada Kamamba ee duleedka magaalada Kampala ayaa horey sidan oo kale loogu soo tababaray Ciidammo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayadoo Ciidammadii ugu dambeeyey ee xeran ku tababarta uu tababarkooda usoo xeray Ra’isulwasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Xuseen Carab Ciise bilowga bishii September ee sanadkii aynu kasoo gudubnay waxaana Ciidammadaasi hada ay qeyb ka yihiin Ciidammada ka howlgalaya gudaha Dalka.
Dowladda Federaalka ee hada jirta ayaa dadaal dheer ugu jirta sidii ay dib ugusoo nooleyn laheyd Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayadoo Dowladuna horey u tababartay Ciidammo farabadan waxaana taasi ay tahay mida muujineysa marxaladda ay Ciidammada ku suganyihiin iyo sida ay uga soo kabanayaan burburkii maadaama aynu wada xusuusanno Sanadguuradiii 52aad ee aas aaska Ciidammada Xoogga Dalka sida ay Muqdisho ugu dabaal degeen.
Marka la is barbardhigo Sanado ka hor sida ay ahaayeen dhismaha Ciidammada Dowladda iyo tababaradooda iyo sida ay hada yihiin waxaa marqaati ma doonto ah in Dowladdu waxbadan dhinaca dhismaha Ciidammada kaga guuleysatay welina ay wax u harsan yihiin waxaana dhanka kale xusid mudan in sidoo kale xerrooyin ku yaala gudaha Dalka ay iyana Ciidammo cusub ku tababaranayaan kuwaasi oo kusoo biiraya Ciidamadeenna Qalabka Sida.
Sawirka Ciidammadii Ka Horeeyey Ciidammadan oo Uu Wasiirka Gaashaandhigga uu Tababarka Usoo Xeray
NAGA FILLO SAWIRRADA CIIDAMMADA TABABARKA UU USOO XERAYO TALIYAHA CIIDAMMADA XOOGGA DALKA INSHA ALLAH
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub                                            +442035190460
USA & CANADA                         +17124327760


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles