image:
Muqdisho (RBC Radio) Wasiirka Dastuurka iyo deb u heshiisiinta C/rixmaan Xoosha Jabriil ayaa wuxuu sheegay in haatan sidii loogu talagalay uu u socdo shirka odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee ka socda magaalada Muqdisho
Wuxuu sheegay qaar ka mid ah golaha wasiirada in maalin kasta ay ka qayb galaan shirkaasi isla markaana ay odoyaasha dhaqanka u sharaxaan Habraaca Marxalada Kala Guurka iyo waliba arimaha Dastuurka iyo waxa ku qoran.
Sidoo kale wuxuu sheegay wasiirka asagoo hadalkiisa sii wata in odoyaasha dhaqanka ay diyaarinayaan Ergada ansixinaysa Dastuurka cusub, wuxuuna sheegay odoyaal dhaqameedyada qaarkood inay haatan diyaariyeen Ergadaasi.
Wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta xukuumadda KMG Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa xusay in dhamaan odayaasha ka qeybgalaya shirka dastuurka ay joogaan inkastoo oo uu shegay inay jiraan odayaal dhaqameedyo in ay jiraan odoyaal dhaqameedyo kale oo aanan imaan Muqdisho kuwaasi oo uu sheegay in meelaha ay ku sugan yihiin farsamadii lagaga soo kaxeeyn lahayn ay weli ku guda jiraan.
C/raxmaan Xoosh Jabriil Wasiirka dastuurka iyo dib u heshiisiinta ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan odayaal dhaqameedyo aan imaan shirka oo wakiilo soo dirsaday isaga oo sheegay in la ogol yahay wakiilasho, wuxuuna meesha ka saran in musuq maasuq lagu sameeyay beelaha isla markaana la keenay dad aanan Ugaasyo ahayn.
Wasiirka ayaa wuxuu si cad u sheegay in ay jiraan odoyaal dhaqameedyo ka yimid deegaanada Soomaaliland kuwaasi oo haatan shirka jooga oo ku sugan magaalada Muqdisho, asagoona sidoo kale xusay in ay jiraan waxgarad kale oo ka yimid wadamada daraska la ag Soomaaliya Sida Jabuuti iyo waliba Kenya.
Shirka odayaasha Dhaqanka ee soo xulaya Ergada ansixinaysa Dastuurka dalka ayaa wuxuu yahay mid kaga soconaya gudaha dalka Soomaaliya iyadoona ay jiraan dhaliilo loo jeedinayo madaxda dowladda taasi oo ku aadan qaabka loo soo xulay odayaasha dhaqanka ee ka qeyb galaya shirka ka soconaya magaalada Muqdisho.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho