Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Ciidamada Dowlada Oo Howlgalo Bur Burin iyo Baaritaan Ah Ka Sameeyay Muqdisho

$
0
0

Ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ayaa howlglo Bur burin ah waxay ka sameeyeen isgoysaka Soobe ee magaalada Muqdisho, ayagoona Bur buriyay goobaha ganacsi ee kuyaala hareeraha wadadaasi.
Sidoo kale ciidamada dowlada ayaa waxay ka saareen dadkii daganaa dhismayaashii dowlada ee ku yaal agagaarka Isgoyska Soobe, waxaana dhismayaasha dadka laga saaray ka mid ah Wasaaradii qorsheynta wakaaladii Biyaha Xamar iyo sidoo kale wasaaradii Hidaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya.
Goobaha ay bur buriyeen askarta dowlada KMG ayaa saraakiishu waxay sheegeen in ay ahaayeen kuwo markii horaba si sharci daro ah looga dhistay halkaasi.
Sidoo kale howlgalada bur burinta ah ayaa waxaa bar bar socday howlgalo baaritaano ah waxaana saraakiisha dowladu ay sheegeen in ay gacanta ku soo dhigeen hub iyo waliba dad loo heesto in ay hubkaasi heesteen.
Qaliif Axmed Ereg Taliyaha hay’adda Nabad sugidda Maamulka Gobolka Banaadir oo Saxaafadda la halay ayaa wuxuu sheegay in qaraxyada iyo dilalka qorsheysan had iyo jeer ka dhici jiray Magaalada Muqdisho laga soo maleegi jiray sida uu sheegay xarunta wasaaradda qosheynta.
Sidoo kale warsame Maxamed Xasan oo ah gudoomiye ku xigeenka dhinaca amaanka ee gobalka Banaadir ayaa asna wuxuu sheegay in howlgaladaan looga goleeyay sugida amaanka iyo soo celinta amaanka magaalada Muqdisho.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>