Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Suuqyada Saamiyada Yurub oo Hoos u dhacay

Suuqyada kala iibsiga saamiyada ee Europe ayaa si weyn hoos ugu dhacay isniintii shalay iyadoo ganacsatada ay walaac cusub ka muujiyeen hubaal la’aanta siyaasadeed ee ka taagan dalka Giriigga, iyo inay noqon doonto dalkii ugu horeeyay ee ka baxay 17ka dal ee Yurub ee adeegsada lacagta Yuurowga

Tusmooyinka suuqa saamiyada ee London, Paris iyo Frankfurt ayaa dhamaantood hoos u dhacay laba boqolkiiba, halka suuqa saamiyada ee New York uu isna hoos u dhacay boqolkiiba hal.

Qiimaha lacagta yuurowga ayaa sidoo kale hoos u dhacday iyadoo gaartay qiima ka hooseeya $1.29 cent oo dolarka mareykanka ah markii ugu horeysay muddo afar bilood ah.

Mid ka mid ah dadka ka faalooda suuqyada yurub, Theodore Krintas, ayaa sheegay in awood daridda ka muuqata hogaamiyeyasha siyaasadda ee Giriigga  ee soo dhisi waayay dowlad cusub iyo hubaal la’aanta inay adeecayaan talaabooyinka gunti isku giijinta dhaqaalaha ee lagu dhimayo deynta, ayaa u horseedeysa suuqyada Yurub qalaanqal


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>