Saraakiisha Midowga Africa iyo Dowladda Somalia ayaa sheegay in ciidamadoodu ay dagaal xooggan kula jiraan kooxda Al-shabab, meel dibadda ka ha magaalada Muqdishom, weerar ay ku tilmaameen mid si xowli ah ku socda oo ay ku qabsanayaan goobaha ay aadka ugu xoogganyihiin mintidiinta kooxda Al-shabab.
Taliye ku suggan goobaha lagu dagaalamayo ayaa u sheegay VOAda in ciidmadu ay ku sii siqayaan degaanka la yirahdo ceelasha biyaha, oo ay ku yaalaan xeryo qaxooti oo ay ku noolyihiin 400, kun oo qaxooti ah.
Goob joogayaasha ayaa soo sheegaya dagaal culus maanta oo arbaca ah, wariye ka tirsan VOAdana waxa uu sheegay in afar qof oo rayid ah lagu dilay dagaalka maanta oo ay ku jiraan laba caruur ah.
Weli tirada qasaaraha rasmiga ah lama oga.
Degaanka ceelasha ayaa qiyaastii 10km dhinaca galbeed ka xiga magaalada Muqdisho, waxuuna ku yaala jidka gala degmada Afgoye ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Waana meel ay ku xooganyihiin Kooxda Alshabab oo ay dowladuna isku dayeyso inay qabsato.
Wareysi ay VOAda la yeelatay wasiirka difaaca Xuseen Carab Ciise ayaa saadaaliyay in ciidamada isbaheystay ay qabsan doonaan Afgoye muddo laba maalmood ah gudahood.
Dagaalkan ayaa shalay bilowday ka dib markii ciidamada isbaheystay ay weerar ku qaadeen fariisimo ay Kooxda Al-shabab ku leedaheyd duleedka degmada Dayniile.
Dhinaca kale dagaal ayaa isna saakay ka dhacay agagaarka degaanka kaxda ee duleedka degmada Dharkiinley, halkaasoo ciidmada dowladda iyo ku midowga Africa ay ku durkeen degaano ku dhow dhow ceelasha biya.