Waxaa maanta gabi ahaanba hawada ka maqan Isgaarsiintii Magaalada Afmadow ee gobbolka Jubbada Hoose halkaasoo shalay ay la wareegeen xooggag is garabsanaya
Ciidamada isgarbsanaya ayaa shalay casar gaabadkii waxaa ay shirkadaha isgaarsiinta magaalada ay ku amreen inay hawada ka saaraan oo ay damiyaan taleefoonada magaalada. Saraakiisha Ciidamada oo aan wax ka waydiinay waxa keenay inay isgaarsiinta damiyaan ayaa waxaa ay noo sheegeen inay doonayaan inay xaqiijiyaan amaanka guud ee magaalada, hadii ay isgaarsiintu shidanyihiina ay ku soo dhex gaban karaan Kooxdii magaalada laga saaray ee Shabaabka. Dhanka kale waxaa magaalada dib ugu soo laabanaya ganacsigii iyo adeegyadii guud ee magaalada kuwaasoo maalmihii ugu dambeeyay ay saameeyeen dagaalada ka dhacaayay duleedka magaalada Afmadow. Qaar ka tirsan dadka ku dhaqan Afmadow ayaa Keydmedia u sheegay in hadda ay xaaladu caadi ku soo noqotay, howlihii bulshadana ay caadi yihiin.
↧
Isgaaarsiinta Afmadow oo la jaray Iyo Ganacsigii Magaalada Oo Dib u Furmay
↧