Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Foolal cusub iyo Faro caddaana:By Bashir M. Hersi

$
0
0

Kala guur yaan ku jirnaa, kolkii horana ku meel gaar yaan ku jirnay. Waa
kala guran, isu guran, wada guran, aan marna is gaarin la kalana
guurin. Marar badan ma istiraa, sida wax u socdaan wax ba isma
badalayaan! Mar quus yaa keeni, mar in dheer garadnimo iyo dhaaya ku
haynta dhacdada, mar qiyaas iyo malayn. Tan hore jeesatay, oo is
qiblaysay, isna duuduubtay; nolosha qaarkeed geeri yaa dhaanta! Tan
xigta qof walba iyo Gareedkiis, tan dambe rajo, oo noloshaaba ku dhisan.
Wadanka waxaa muddo rubuc qarni ku dhaw hagayey qawlaysato, mar qabiil
dabada la gasha, marna quwado shisheeye, marka kalana qarash iyo
laaluush. Qool walba u xiray sidii qaranku ugu qabbirnaa lahaa. Qawl iyo
quwadba isugu geeyey inay qawmiyaddan kala qaarnaato, qar iyo gabi
dheerba u fuushay inay guudka sare dalka ka joogto, dadkana ku gaamuriyo
colaad iyo gaajo.
Talo ahaan waxaan dhihi lahaa, Xildhibaannada ha soo xulaan Odayaasha
dhaqanka, sida kuba xusan heshiisyadii horay loo gaaray, maya, sida
saxda ahba, illeen dadkani hoggaan kale ma lahane. Sayaasi isagaa
kaalintiisii gabay, una tanaasulay qabqable iyo xaraan ku naaxayaal.
Wadaad isagaa kaalintiisii gabay, una tanaauslay Alshabaab iyo
argagixiso, sidaa awgeed, Oday dhaqameedyadu waa kaalinta qura ee
hartay, ee u taagan hab maamul iyo wax kala dhihid dad.
haddaba su’aaasha ayaa ah: Odayada qudhooda sidee loo soo xulaa? Illeen
maanta qof walbaa waa Oday iyo Nabaddoone. Inta aanan ka jawaabin, midi
waa inay caddaataa, waa inaysan soo xulin Odoyaasha dhaqanka madaxda
maanta joogta, hadday soo xulaan waa “Waa Jugjug meeshaada joog” oo
marnaba ma dhacayo wax isbadal ah, sidaa awgeed, ugu horraynba waa in
raggaa laga ilaalshaa.
Haddaanse u laabto warcelinta weydiinta, ani ahaan waxay ila tahay in
sidan loo xulo Hoggaanka Odayaasha Dhaqanka: Ugu horrayn waxaa laga
billaabayaa xulidda magacyada ma guuraanka ah, sida: Imaam, Ugaas,
Boqor, Suldaan, Garaad, Malaaq, Isin, Beeldaajiye, Duub, Wabar IWM.
Beelaha aan lahayn magacyda caynkaa ah asee isu dhigma, waxaa laga soo
xulayaa Nabaddoonnadooda.
Middan waxaan uga jeedaa inaysan dhicin sidii shirkii Carta oo kale, in
beelo aan lahayn Ugaas, aysan madasha shirka ku caleemasaaran Ugaas,
illeen waxani waa dhaqan soo jireen ehe, oo ma ahan wax la dhoodhoobi
karo laba galline, sidaa awgeed, wa in xulashadu ahaataa dhakawyada
dhaqanka iyo dhuuxa Hiddaha, magacyada deegaanba si looga adeegsado,
balse, isku wada mid ah, xagga shaqada iyo shiddadaba.
Markii qaabkaa lagu soo xulo, oo beel walba Odaga ugu magaca dheer, ee
ugu sarreeya sallaanka dhaqanka la keeno, ayaa xilka dusha loo saarayaa,
halkaa looga hari mayee, waxaa la hordhigayaa, in badbaadada Soomaali
ay gacantooda ku jirto “Qoodh iyo Xero, Dhur iyo Dhaqan” inaysan
beelinna, ay maanta mariyaan mudanka ay leedahay, haddii kale, ay ka
dhacayso ma harto, waligood daba socon doonta.
Dhaartaa iyo dhaaya furkaa ka dib, ayey gudagalayaan soo xuliladda
xildhibaannada, mid muhiim ah aan halkan ku xuso, waa inuusan xil noo
qaban, qofkii wata tilmaamahan midkood, dastuurkana naloogu daro, sidii
loogu daray inuusan madax noqon karin qofkii wata dhalasho shisheeye,
sidaa si la mid ah, ayaan u dalbanaynaa, qodobbada Dastuurka in lagu
daraa ay tahay waxay kala yihiin sidan:
1. In ciidamada shisheeye, ee wadanka ku sugan waqti go'an loo qabto, si
ay wadanka uga baxaan, illeen waxaa jira dareen xooggan oo laga qabo
ciidamadaane.
2. Qof walba oo ka qaybqaatay dagaalkii sokeeye, ciidan iyo rayid kuu
doono ha ahaadee, dadka qaarse la ah inay yihiin Mujaahidiin ama xaq u
dirir, waan filaa inaysan u baahnayn inaan anigu  magacaabo, inta
hormartay ee geeriyootay naga daayee, inta nool naga jira.
3. Qabqablayaasha wadanku  u afduubnaa, ee u diiday jid iyo jiho,
dadkana ka hoojiyey hoyaad iyo harsiimo, dadka qaarse la ah mudanayaal
ama Malaa'ig aan dambiba galin .
4. Xaaraan ku naaxyada ku magacaaban Ganacsato, ee aan ganacsane,
dhiigmiiratadda ah, marna afka u dhigto deeqda dunidu ugu yaboohdu dadka
dhibaataysan, marka dambana isla deeqdii ama shay iyaga ay keenaan
dadka kaga iibiya lacag dheeraad ah iyo Dollar adag
5. Wadaaddada hubaysan iyo inta aragti, af iyo addinba ku taageertay, horaa naloo dagee, haatan yaan mar kale nala dagin.
6. Aqoon yahannada qabiilku madaxmaray, waxna ku soo bartay canshuurtii
dawladda, maantase ka door biday inay dalka kala googooyaan, ama inay
beel u xamlanaadaan.
7. Mudane horay uga soo mid noqday dawladihii la dhisay intii burburka
lagu jiray, laga soo billaabo “Dwladdii Manifesto” ee Cali Mahdi madaxa
ka ahaa, ilaa laga soo gaaro “Dawladda Shareecada” ee Shariif madaxa ka
yahay.
Mudadaa intii u dhaxaysay, ninkii soo noqday: Madaxweyne, Ras’isul
wasaare, Wasiir ama Xildibaan, waa inuusan dib noogu soo noqon,
waxtarkooda iyo wax ku oolkoodba la arage.
Aqriste ha is dhihin, ninkan dad gaar ah ayuu colaadinayaa! Adba arag
inaan kala reebin, ninkii horay noo soo maray, ee xil noo qabtay,
xilligan ha noo kaadsho, hadduu doono markii marxaladdan laga gudbo, xil
ha soo raadsado, balse, tooggan ha noo nasto ciyaari waa dambaysaaye.
Waxaa weydiini ka iman kartaa, ninkii aan xil qaban xilligii burburka,
balse horay xil uga soo qabtay “Dawladdii Hantiwadaagga” sidee laga
yeelaa? Ani ahaan, haddayba intaa aamus iyo isha ka daawo ku jireen,
maxaa dhacay oo looga horjoogsanayaa? Sida loo helo ayaaba adage, inta
la heli karo ha laga karorsado wax ay hayaan, inta kalase hareeraha ha
laga maro.
8. qofkii xil sare qabanaya, inuusan mushaar iyo biil lahayn, ee
ku shaqaynayo iskaa wax u qabso iyo mutadawacnimo ama Folontari,
Mushaar iyo biil midna aan la siin, dabcan waa in muddo loo qabtaa
middan, aan bal daliil u doono qodobkane, Allaha u naxariistee, Abwaan
C/qaadir Xersi “Yamyam” baa wuxuu shirkii Addis Ababa ee dhacay sanaddii
1993-dii ku maansooday sidan:

Waagii mudnaantiyo
Wasiir magac ku faanaa
Baabuur madaw iyo
Muraayadaha xiran jiray
Meelaha nacfiganale
Loo kala hor mari jiray
Maareeyana la noqon jiray
Gudbe maalmahoodii!

Waxa timid marxalad adag
Oo maamul sare iyo
Ninka madax u ciilqaba
Masuuliyadu qaadiyo
Kow dhaar la mariyaa
Tahay miiski soo gado
Musuqana dil baa tahay
Mushaar ma lihid shaqaduna
Maqrib ilaa subax
Ilaa qaranka maydkaa
Lagu hubiyo mel wacan
Wax jiraa muraayada
Halkaaseey maraysaa.

Isu gaynta qodobbadan yaa isugu soo ururaya cinwaanka qormada, ee ah:
“Foolal cusub iyo Faro Caddaana” illeen foolalka cusubi waxay daaqadda
ka saarayaan kuwii sanadaha silica siyaasadda hoggaanka u hayee, faro
Caddiduna, waxay meesha ka saarayaan dhamman xaaraan ku naaxyada, iyo
xinjirro daadiyayaasha.
Qormada waxaan ku soo af meerayaa miraha heesta: “Noogu dara Dastuurka”
oo dhawaan ay soo saari doonaan kooxda “Qaylodhaan” heestiina waana
sidan:

Noogu dara Dastuurka

Qabqablihii dagaalkiyo
Dirirtiyo shaqaaqada
Shacabkeena dilayee
Darxumada na haysiyo
Dulligana nasoo baday

Waa inaan dib loo arag
Noogu dara Dastuurkoo
Dadweynoow inaga jira.

Dadka kuwii qalaayee
Ka been sheegay diintee
Damiir laawayaashiyo
Dadqalkiyo Dhurwaagii
Ina dagay markii hore

Waa inaan dib loo arag
Noogu dara Dastuurkoo
Dadweynoow inaga jira.

Xaaraan mid daaqoo
Danyarta iyo Agoonta
Ku dibbiray xaqoodii
Deeqdooda leexsada
Ganacsiga danleeyda

Waa inaan dib loo arag
Noogu dara Dastuurkoo
Dadweynoow inaga jira.

Doorkii horreetiyo
Kuwa Dowladihii hore
Dalka maamulkiisa
Darajiyo xil soo maray
Ee dumiyey daaraha

Waa inaan dib loo arag
Noogu dara Dastuurkoo
Dadweynoow inaga jira.

Xil ninkii u duubane
Dibitaatinimo raba
Iyo duqa magaalada
Doonayaa jagadoow
Duunyo kuuma haynee

Deeq inuusan naga rabin
Noogu darra Dastuurkoo
Dadweynoow ogsoonoow.

Duulkaan shisheeyee
Dabbaabaadka haystee
Dalka gebi ahaantiis
Degmo iyo ilaa gobol
Dacallada ka dhooban

Waqti kama dambaysoo
Dalka ay ka baxayaan
Noogu dara Dastuurkoo
Dadweynoow ogsoonoow.

Dhammaad.
16/04/2012

Bashir M. Hersi
brdiraac@hotmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>