(Muqdisho, June 2, 2012)(sonna)- Dowladda waxay soo dhaweyneysaa natiijadii kasoo baxday Shirkii 2-aad ee Istanbul oo looga hadlayay arimaha Soomaaliya, kaas oo shalay kusoo gunaanadmay dalka Turkey.
Dowladda waxay u aragtaa baaqii soo-celinta dhaqaalaha in uu yahay mid muhiim ah oo hadda ka hor aan ahmiyad gaar ah la siin. Markii la xaliyo dhibaatooyinka dhaqaalaha iyo saboolnimada, shacabka Soomaaliyeed waxay heli karaan fursaddo shaqooyin, gaar ahaan dhalinyaradda, taas oo ka-hortageysa dagaalka iyo fowdada.
Beesha caalamka waxaa u furan in ay door muhiim ah ka ciyaarto arimaha Soomaaliya, gaar ahaan in la taageero dhismaha ciidan iyo boolis tayo leh, kuwaas oo masuul ka noqda amniga dalka oo idil.
Arintan waa muhiim sababtoo ah amniga dalka waxaa lagu sugi karaa oo kaliyah ciidan xoogan oo uu dalku lee yahay sida lagu xusay shirka.
Dhanka siyaasadda, dowladdu waxa ka go’an in ay raacdo jadwalka lagu so af-jarayo dhameystirka mudada ku-meel-gaarka oo ku eg bisha August, taas oo ay saxiixayaasha heshiiska Roadmap-ka ay hoosta kaga xariiqeen shirkii Addis Ababa ee May 23, 2012.
Waxaa xusid mudan in dowladdu ay dadaal fara badan sameysay si loo yareeyo caqabadaha siyaasadda, taas oo muujineysa in ay ka go’an tahay dhameystirka qariirada nabadda.
Dhanka amniga, ciidanka Xooga Dalka oo taageera ka helaya kuwa Midowga Afrika ayaa is badal fara badan ka sameeyay dhanka amniga oo qeyb ka ahaa qorshaha xasilinta dalka oo lagu xoreeyay meelo badan oo ka tirsan koofurta, kuwaas oo fariisimo u ahaan jiray kooxda ku abtirsata argagixisada Al-qaacido.
Shacabka Soomaaliyeed waxay marqaati ka yihiin horumarkii lagu talaabsaday 8-dii bilood ee lasoo dhaafay, oo ay ka mid tahay nabadda ka jirtay caasimada oo wax weyn ka badashay dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo dubi-dhiska dalka.
Si kastaba ha ahaatee, dowladdu waxay wadi doontaa dadaalkeeda ku aadan sidii ciribtir loogu sameyn lahaa argagixisada, isla markaana looga saari lahaa meelaha yaryar oo ay kaga sugan yihiin koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.
DHAMMAAD
↧
Warsaxaafadeed:DKMG Soomaaliya Oo ka Soo Saartay Shirkii Istanbuul.
↧