Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Dad la sheegay iney gaajo ugu dhintay Magaalada Muqdisho ?

Guddoomiyaha Maamulka degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho Cabdi Xasan Dhabaneey ayaa ka warbixyay Xaaladda Nololeed ee barakacayaasha ku sugan Degmadaasi. Dhabaneey ayaa sheegey in Degmadaasi ay ku sugan yihiin Barakacayaal fara badan oo qaarkood ay ka soo barakaceen Dagaaladii u dambeeyay ee ka dhacay Duleedada Magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha ayaa sheegey in dadkaas barakacayaasha ay haysato dhibaato Guri la’aaneed, mid caafimaad la’aaneed iyo waliba Raashiin la’aaneed.Dhabaneey ayaa hoosta ka xarriiqay in Todobaadkan dad tiradoodu ay gaarayso illaa Todaba Ruux oo isugu jiray Caruur iyo waayeel inay Gaajo iyo dar xumo ugu geeryoodeen qaybo ka mid ah Xeryaha Barakacayaasha ee ku yaala Degmada Hodan.
Dhabaneey ayaa ka codsaday Hay’adaha Samafalka in ay dadkaas la soo gaareen Daryeelka aadanimo ee ay u baahan yihiin isla markaana si ay u caddeeyaan baahida ay qabaan dadkaas iyaga lagala soo xiriiro.
“Ma garanayno sida ay Hay’aduhu wax u hayaan” ayuu yiri Dhabaneey isagoona farta ku fiiqay in ay jiraan Bakhaaro Hay’aduhu ay leeyihiin oo ku yaala gudaha degmadaas isla markaana uu Raashiin fara badan ka buuxo isagoona is weydiiyay Cidda raashiinkaas loo keydinayo iyo goorta la qaybinayo waa siduu hadalka u yiriye.
Cabdi Xasan Dhabaneey ayaa ugu baaqay Hay’adaha samafalka eek u sugan gudaha Magaalada Muqdisho in gurmad deg deg ah loo fidiyo Dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan gudaha Degmada Hodan.
Guddoomiyaha Degmada Hodan ayaa imaanaya xilli muddooyinkii u dambeeyay qaybo ka mid ah Xeryaha bara kacayaasha eek u yaala Muqdisho ay ka soo yeereysey cabasho aad u ballaaran iyagoona ka cabanayay Hooy Xumida haysata iyo Roobabka ku da’aya.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles