Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Odayaasha dhaqanka ee ku shirsan magaalada Muqdisho oo ku baaqay in la joojiyo dhismaha maamul goboleedyada

$
0
0

Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya ergada ansixinaysa dastuurka dalka iyo xubnaha Barlamaanka cusub ee Soomaaliya, kuna shirsan magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in la joojiyo maamul goboleedyada loo sameynayo gobolada ay dowladda KMG gacanta ku heyso, iyo kuwii dhawaan laga qabsaday Xarakada Al-shabaab.
Kulan ay shalay ku yeesheen magaalada Muqdisho qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee ku howlan soo xulista ergada ansaxinaysa dastuurka dalka ayaa ku dhawaaqeen inaan loo baahneyn in maamulo laga sameeyo goobaha ay dowladda kala wareegtay Xarakada Al-shabaab iyo guud ahaan dalka Soomaaliya, waxayna intaasi ku dareen in loo baahanyahay in la sugo inta ay dowladda KMG la wada-wareegayso dalka oo dhan, ka dibna deegaan kasta uu dadkiisu ka tashado waxa ay doonayaan.
Malaaq Ibraahin Xasan oo ka mid ah Odayaashii goobta ka hadlay ayaa sheegay in dadka ka sameynayo maamul goboleedyada goobaha ay dowladda kala wareegtay Xarakada Al-shabaab aan loo baahneyn in laga sameeyo maamul gonboleed iyo dhismaha lagu degdegayo iyadoo dadkii deegaanka wada deganaa aysan isku wada-imaan.
“Ma ahan in tuuladii la qabtaba lagula boodo maamul goboleed iyo annagaa ka talina ee waa in dadka deegaanka wada degan inta ay isaga imaanayaan iyagoo dhan la sugaa, lana yiraahdaa markaasi ka dib iyadoo muhiimiyadda koowaad la siinayo dadka deegaanka, dadka haatan ku degdegaya maamul goboleedyada waa dad doonaya inay khilaaf horleh abuuraan oo ay sii kala geeyaan dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri Malaaq Ibraahin Xasan.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles