Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Ban Ki-Moon "Dulqaadkii aan u heynayay kooxaha nabadda Soomaaliya ka soo horjeeda waa naga dhamaaday

$
0
0

Xoghayaha Guud ee Jumciyada Quruumaha ka dhexeysa Ban Ki-Moon ayaa ka dhawaajiyay in dulqaad dambe aysan u heyn kooxaha caadeystay in ay mar walba hor istaagaan baadigoobka nabadda Soomaaliya.

Ban Ki-Moon oo isu diyaarinaya ka qeybgalka kulanka Golaha Ammaanka ee dhowaan furmi doona arrimaha Soomaaliyana looga baarandegi doono ayaa ku celceliyay sida uu uga xun yahay dagaalada aan dhaaamdka laheyn ee lagu dul dagaalamayo Shacabka masaakiinta ah ee aan waxba galabsan.

Dhanka kale Ban Ki-Moon wuxuu farta ku fiiqay kooxo uu ku sheegay in ay u heelan yihiin halleynta hannaan kasta oo la isku dayo in dalka Soomaliya nabadda looga baahan yahay lagula soo celiyo.

Golaha Ammaanka ayaa waxaa u asteeysan kulan New York ka furmaya oo ay kaga doodayaan arrimo badan oo ay Somaalida ka mid tahay amaba ugu mudan tahay waxaana sidoo kale la filayaa in Shirkaas lagu ansixiyo Qaraar Ciidamada AMISOM tira ahaan u ogalaanyaya in la kordhiyo.

hlagankanet@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>