Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

WAR DEG DEG AH: Ciidamada Alshabaab oo xoog kula wareegay Idaacada HornAfrik shaaalihiina kala ceyriyay

$
0
0

WAR DEG DEG AH: War waqti yar ka hor na soo gaaray ayaa xaqiijinaya in xoogaga Alshabaab ay xalay sideedii fiidnimo ee waqtiga Muqdisho xoog kula wareegeen xaruntii idaacada HornAfrik ee magaalda Muqdisho.

Alshabaabka ayaa sidoo kale burburiyay Keydkii ccajaladaha ee idaacada HornAfrik, shaqaalihii idaacadana kala ceyriyay tuqaantuqin iyo cabsi-gelin ka dib.

Idaacada ayaa maalmihii u dambeeyay qadka Satelite:ka ka maqneyd waxaana la soo sheegayaa in qalabkii Satelite:ka ku xiriirinayay idaacada ay horay Alshabaabku u qaateen.

Alshabaabku weli kama hadlin ujeedada ka dambeysa la wareegista ay la wareegeen idaacada HornAfrik laakiin ma ahan markii ugu horeeysay ee ay sidan oo kale idaacad madaxbanaan xoog kula wareegaan ee horay ayeey idaacadii Soomaali-Weyn ula wareegeen dharraar cad.

halgankanet@gmail.com  

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>