Image may be NSFW.
Clik here to view.

Hay’adda
Samafalka aan dowliga ahayn ee Rahmah Lelief Foundation (RRF) oo ah NGO
ay ku mideysan yihiin qurba joogta Soomaaliyeed ee ku nool magaalada
London ee Ingiriiska ayaa maanta gaarsiisay gurmad gargaar oo degdeg ah
naafada Soomaaliyeed ee ku jirta Isbitaalka Martiini ee magaalada
Muqdisho.
Gurmadkaan oo ka koobnaa raashin isugu jira Bariis iyo Bur
ayaa waxay hay’addu ugu talagashay in lagu gargaaro naafada
Soomaaliyeed ee xilligan ku dhibaateysan dalka gudihiisa, gaar ahaanna
isbitaalka Martiini, waana gurmadkii ugu horeeyay oo ay gaarsiiso
naafada Soomaaliyeed.
Naafada ku jirta Isbitaalka Martiini ee loo
qeybiyay raashinka gurmadka ah ayaa waxay gaarayaan ilaa 96-qoys oo
naafo ah, iyadoo gurmadkaanna ay hay’adda Samafalka ee Rahmah Relief u
wakiilatay inuu gaarsiiyo Md. Maxamuud Xasan Cumar oo ka mid ah
Suxufiyiinta ka howlgala magaalada Muqdisho,iyadoo guddiga naafada
Isbitaalka Martiini iyo qoysaskooda ay goob joog ka ahaayeen.
Afhayeenka
Naafada ku jirta Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho oo lagu
magacaabo Cabdi Mahad Cali ayaa ugu horeyn wuxuu mahad ballaaran u
jeediyay isagoo ku hadlaayay dhammaan qoysaska ku jira isbitaalkaas
maamulka hay’adda samafalka Rahmah gurmadka ay ka heleen, bacdamaa uu
tilmaamay inay ku soo beegantay xilli ay baahi weyn u qabeen.
“Hay’adda
Samafalka Rahmah iyo maamulkeeda waxaan uga mahad celineynaa raashinka
gurmadka ah oo ay noo soo dhiibeen maanta, anagoo ah dad naafo ah oo
intooda badan lixaadkoodu maqan yahay, waxaana Alle uga baryeynaa bedel
kheyr qaba inuu siiyo” ayuu yiri Afhayeenka naafada Isbitaalka Martiini
oo sheegay inaysan jirin cid daryeesha xilligan, wuxuuna ka codsaday
hay’adaha kale ee samafalka iyo jaaliyadaha Soomaalida qurbajoogta ah
inay ku daydaan hay’adda samafalka Rahmah.
Naafada ku jirta
isbitaalka Martiini ayaa ah qoysas xilligan u baahan in la gargaaro,
kuwaasoo in muddo ahba ay duruufo adag ku heystaan halkaas.
Hay’adda
Samafalka ee Rahmah Relief Foundation RRF” waa Hay’ad Samafal oo aan
Dowli Ahayn “NGO”, taasi oo ay Muwaadiniin Soomaali ah oo Qurbo-joog ah
ka fureen Caasimada dalka Britain ee London sanadkii 2000.
Iyadoo
laga dareen qaadanayo Dhibaatooyinka iyo Masiibooyinka Colaaded ee ku
habsatay Ummadda Soomaaliyed 20-kii sanadood ee la soo dhaafay, ayey
waxay Xubno ka tirsan Qurbo-joogta Soomaalida ku nool Caasimadda dalka
Britain ee London ka danqadeen Aafooyinkaasi.
Danqaashadaasi ma ahayn
mid ku timid Laab-la-kac, laakiin, waxay ahayd mid dhaqaajisay
Damiirkeena, kadib, markii aynu Warbaahinadda Caalamka, kuwa Maxaliga ka
daawanay ama ka akhrisanay dhibaatooyinka ku habsaday Ummada
Soomaalida.
Aasaaska Hay’adan Samafalka ee Rahmah Relief Foundation
RRF” waxay si xooggan u soo shaac-baxday, kadib, markii ay Maamulka Sare
ee Hay’aadda qabanqaabiyeen Barnaamijyo Wacyi-gelin ah, taasi oo
Jaalliyadda Soomaalida ku nool dalka UK loogu soo bandhigay dhacdooyinka
dhabta ah ee ka taagan dalkenna Hooyo, gaar ahaan dhibaatooyinka Dadka
Rayidka ka soo gaarayo Colaadaha ay hurinayaan Kooxaha Hubeysan ee ka
soo horjeeda Jiritaanka DFKMGS iyo Joogitaanka Ciidamada AMISOM.
Hawlaha
lagu wacyi-gelinayo Jaalliyada Soomaalida ku nool dalka UK, gaar ahaan
Caasimadda London, waxay tahy mid xirir ah, taasi oo Madaxda iyo
Hawlwadeenada Hay’adan Samafalka ee Rahmah Relief Foundation RRF” isku
mashquliyaan sidii ay Soomaalida Qurbo-joogto ah ugu soo bandhigi
lahaayeen Filimo iyo Qoraallo lagu soo bandhigayo Dhibaatooyinka haysta
Barakacayaasha ku nool Deegaanada Celasha Biyaha, Siimanka Dheer, KM13,
Gubadley iyo Mowlaca Sheekh Cali Cabdulle.
Warbixinnada Muqaalladda
aynu Jaalliyadda Soomaalida ku baraarujino, waxaynu inta badan ka helnaa
Ilo-wareedyo muhiim ah oo ku sugan gudaha dalka Somalida, kuwaasi oo ay
ka mid yihiin Suxufiyiin, Aqoonyahano, Culumaa’udiin iyo Ururadda
Xuquqda Aadanaha iyo kuwa Bulshada Rayidka, kuwaasi oo si hagar la’aan
ah ula shaqeeya Hay’adan Samafalka ee Rahmah Relief Foundation RRF”.
Muddadii
ay Hay’adan Samafal hawlgalladdan bilowday, waxaa u surto-gashay inay
Kaalmooyin Samafal oo isugu jiray Lacago, Daawooyin, Cunto iyo Dhar
gaarsiiyaan Kumanaan Qoys oo ka mid ah Barakacayaasha ku dacdaraysan
gudaha iyo daafaha Koonfurta iyo Waqooyiga Muqdisho.
Kaalmooyinka
Samafalka ee ay Hay’adan Samafalka ee Rahmah Relief Foundation RRF” u
dirto Barakacayaasha Dhibaataysan, waxay la kaashataa Shirkadaha
Xawaaladaha iyo xubno ka tirsan Culumaa’udiinka, Aqoonyahanada iyo
0dayaasha Dhaqanka, kuwaasi oo si toos ah Kaalmooyinka lagu aaminay u
gaarsiiyaa Dadka dhibaataysan ee loogu talagalay in Kaalmooyinkaasi la
gaarsiiyo.
Sidoo kale, waxaan Kaalmooyin Lacageed, Cunto iyo Daawo
gaarsiinay Bukaannadda ku dhaawacmay Colaadaha ee haatan lagu
baxnaaninayo Isbitaalladda Madiina, Kaysaney iyo Banaadir.
Hay’adan
Samafalka ee Rahmah Relief Foundation RRF” waxay kaloo gacan ka qaadataa
sidii Kaalmooyin loo gaarsiin lahaa Geesiyayaasha Ciidamaddii X.D.S. ee
ku naafoowday Dagalladii Somalia iyo Ethiopia dhex maray Sanadkii
1977-kii ilaa 1978-kii, kuwaasi oo haatan ku dac-daraysan Isbitaalka
Martiini ee Degmada Xamar Weyne ee magaalladda Muqdisho.
Kharaj-Lacageedka
ay Hay’adan Samafalka ee Rahmah Relief Foundation RRF” ilaa iyo haatan
ay Kaalmo ahaan u gaarsiisay Barakacayaasha iyo Dadka ku dhibaataysan
gudaha dalka Somalia, waxay gaaraysaa In ka badan Konton Kun oo Dollar,
iyadoo Nidaamka Kharajkaasi loo soo ururiyey iyo qaabkii loo qeybiyey ay
Maamulka Hay’addan Samafalka u diiwaan gashan tahay.
Mas’uliyiinta
ka tirsan Hay’adan Samafalka ee Rahmah Relief Foundation RRF” ee lagu
ammaani karo Waxqabadkooda waxaa ka mid ah Gudoomiyaha Hay’adan, Md.
Cali Maxamed Jimcaale iyo Xubnaha ay ka midka yihiin C/qaadir Koronto,
Axmed Galbeyte iyo C/llaahi Yabarow iyo Jaalliyadda Soomaalida ee ku
dhaqan dalka UK, siiba magaallooyinka London, Streethom iyo Tothnham.
Sidoo
kale, Mas’uliyiinta ka tirsan Golaha Ahlu-suna Wal-Jameca ee aan la
kaashanay qeybinta Kaalmooyinkaasi, waxaan ka xusi karnaa Afhayeenka
Golaahaasi, Sheekh C/qaadir Sheekh Maxamed Soomow iyo Sheekh Muse
Macallim Caga-weyne, kuwaasi oo aan uga mahad celinayno Daacaadnimada ay
Kaalmooyinka lagu aamino u gaarsiiyaan dadkii loogu tala galay.
Bishii
Ramadaan ee la soo dhaafay, waxay Hay’adan Samafalka ee Rahmah Relief
Foundation RRF” mas’ul uga dhigtay Mashaa’iqdaasi lacag loo qeybinayey
Barakacayaasha ku nool Deegaanada Gubadley iyo Sheekh Cali Cabdulle ee
duleedka Waqooyiga magaallada Muqdisho.
Xaqiiq ahaan, Hay’adan
Samafalka ee Rahmah Relief Foundation RRF” waxaa heerka Wanaagsan e lagu
ammaanayo gaarsiiyey Isla-shaqaynta joogtada ee Madaxda Hay’adda iyo
Jaalliyada Soomaalida Qurbo-joogto ah, kuwaasi oo Dareen Waddanimo iyo
Daacadnimo ka muujiya Hawlaha loogu gargaarayo Ummada Soomaalida ee
Barakacayaasha ee ku dacdaraysan gudaha iyo daafaha magaalladda
Muqdisho.
Si kastaba ha ahaatee, Hal-ku-dhegga ay ku hawlgalaan
Aasaasayaasha Hay’adan Samafalka ee Rahmah Relief Foundation RRF” waxay
tahay “Kaalmeey Walaalahaaga Soomaali iyo Ka-qeyb qaado Hawlaha lagu
horumarinayo Nolosha Nabadda Bulshada iyo Dadaalka lagu taageerayo
Jiritaanka DFKMGS ee uu Hoggaanka u hayo Madaxweyne Sheekh Shariif Shekh
Axmed.
HORUMAR, NABAD IYO TAAGEERADA HAWLAHA DFKMGS.
Md. Cali Maxamed Jimcaale “Cali 0yaaye”
= Guddoomiyaha Hay’adda Samafalka ee Rahmah Relief Foundation RRF”
Image may be NSFW.
Clik here to view.

Clik here to view.
