Shir gaar ah oo ku saabsanaa arrimaha Soomaaliya oo uu guddoominayay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon, ayna ka qaybgaleen wakiilo ka socda gobolka iyo bulshada caalamka, ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada New York ee dalka Maraykanka.
Madaxwaynaha dowladda ku meelgaarka ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed
ayaa warbixin siiyay ku aadan xaaladda siyaasadda iyo amniga ee dalka,
iyadoo sidoo kalena guddoomiyaha midowga Africa Jean Ping uu faahfaahin
kabixiyay howlgalada ciidamada midowga Africa ee Soomaaliya.
Hadaba, gabagabadii shirka ayaa laga soo saaray war saxaafadeed.
Waa kan Axmed Cabdinuur oo noo soo koobaya.
Hadalada kulul ee shir madaxeedka kooba ee
arrimaha Soomaalida looga hadlayay ee magaalada New York, ayaa
waxyaabaha loo soo jeediyay waxaa ka mid ah in warbixinno lagu
kalsoonaan karo, oo sheegaya xatooyada hantida dadwaynaha ay caqabad ku
noqotay howlaha dowladda ku meelgaarka ah.
Musuqmaasuqu wuxuu dowladda Soomaaliya ka
luminayaa hanti muhiim u ah, shacabka Soomaaliyeedna waa la khiyaamayaa,
deeq bixiyayaashana waxaa uu musuqmaasuqu ka hor istaagayaa in ay ku
dhiiradaan in ay ku yaboohaan lacag kale.