Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Wararkii ugu dambeeyey Galgala iyo ciidamada puntland oo gacanta ku haya

Ciidamada Puntland ayaa la sheegay inay qabsadeen Deegaanka Galgala oo fadhiisin u ahayd maleeshiyo gacan saar la leh kooxda Al-shabaab uuna hogaaminayo Maxamed Siciid Atam, kuwaasi oo si weyn uga soo horjeeday maamulka Puntland.

Ciidamada Puntland oo ilaa shalay dagaal xooggan kula jiray maleeshiyada Atam ayaa maanta ugu danbeyntii ku guuleystay inay maleeshiyadaasi ka sifeeyaan halkaasi.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland iyo saraakiil ka tirsan Puntland ayaa maanta booqday Gal-gala, waxayna halkaasi kula hadleen dadkii daganaa agagaarka Galgala.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee maamulka Puntland C/laahi Axmed Jaamac ayaa VOA-da u sheegay in ciidamada Puntland ay ku dabajiraan maleeshiyada kooxda Atam oo haatan la sheegayo inay ka baxsadeen goobtii laga qabsaday.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>