Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa shalay wadahadal kula yeeshay xafiiskiisa Hargeysa wafdi ka socday dawladda Britain oo uu hogaaminaayay ergeyga gaarka ah ee Britain ugu qaabilsan Soomaaliya Matt Baugh.
Warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada galabta ayaa lagu sheegay in
Madaxweynuhu wafdigaasi uga waramay xaaladda nabadgelyo, siyaasadeed
iyo dhaqaale ee Somaliland iyo qorshaha dhinaca horumarinta
xukuumadiisa.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo sida lagu sheegay warka
madaxtooyada wuxuu wafdiga u sheegay sida xukuumada Somaliland diyaarka
ugu tahay inay waddamada jaarka ah iska kaashadaan adkeynta nabadgelyada
gobolka, sidoo kalena ay beesha caalamka kala shaqeyso somliland
dagaalka ayuu yidhi lagula jiro argagixisada iyo budhcad badeeda.
Wafdig Britain waxaa ka mid ah safiir ku
xigeenka Britain ee Ethiopia John Marshal iyo madaxa hay'adda DFID
xafiiskeeda Nairobi Alaister Fernte.