Shiikh Cali Maxamed Xuseen, gudoomiyaha gobolka Banaadir ee Alshabaab oo maanta warbaahinta kulan wareed ugu qabtay magaalada Muqdisho ayaa AMISOM ku eedeeyay in ay dalka Soomaaliya ku fidinayaan cudurka dilaaga ah ee AIDS.
Gudoomiyuhu wuxuu dhanka kale shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ee xannuunada iyo dhaawacyada la ildaran ee daawooyinka iyo daaweynta u doonto xarumaha AMISOM kula taliyay in aysan Ciidamadaas wax daryeel caafimaad ah ka raadsan maadaama sida uu sheegay ay ciidamadani dalka ku soo daadgureeyeen daawooyinka AIDS dhaliya waa siduu hadalka u dhigaye.
Reer Muqdisho intooda aan awoodin in ay isku daaweeyaan goobaha gaarka loo leeyahay ayaa subax walba feyl dheer u gala helitaanka daawooyin iyo dabiib lacag la'aan ah oo ay bixiyaan dhaqaatiirta ciidamada AMISOM.