Wararka ka imanaya Puntland, ayaa sheegaya in wasiirkii Dekedaha, Siciid Maxamed Raage ee shalay ay kaxaysteen kooxo loo malaynayo in ay burcad-badeed yihiin, uu hadda ku sugan magaalada Jiriiban.
Waxaa wararku sheegayaan in ay halkaas uu ku xayiran yahay wasiirku
oo ayna socdaan wadahadallo ay ku lug leeyihiin odayaasha deegaanka oo
haatan wasiirku uu la joogo.
Cabdiraxmaan Koronto, ayaa saaka aroortii
telefoonka kula xiriiray weriyaha BBC Axmed Maxamed Cali oo aan
waydiiyay in uu noo faahfaahiyo wararka ugu dambeeyay ee xaaladda
wasiirka dekedaha Puntland.
Weriyuhu wuxuu sheegay in ilo xog ogaal ah u
sheegeen in aan la dhihi karin wasiirka waa la sii dayay, maadaama ay
waanwaan socoto, kooxihii burcad-badeedadana aysan goobta ka dheerayn.
Odayaasha dhaqanka ayaa ku howlan xasilinta xaaladda.
Weriyuhu wuxuu intaas ku daray in natiijada
waanwaanta laga war sugayo, iyadoo laga wadahadlayo dhibaatadii ka
dhalatay isku dhicii shalay koox burcad badeed ah iyo ilaalada wasiirka
ku dhexmartay deegaanka Jarriiban.
Weriyaha ayaa sheegay in ay u badan tahay in xal
dhow laga gaaro arrinta oo wasiirku ay u badan tahay in uu isagoo madax
banaan u soo ambabixi doono magaalada Garowe.