Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

SIDDII WEEYE BAAHIDA SHACBIGA IYO TA DEEGAANKUBA RAGA XILKA LOO DOORTAY XAFLADAHA U DHIGANAYOOW.!! (FIKRAD)

$
0
0

SIDDII WEEYE BAAHIDA  SHACBIGA IYO TA  DEEGAANKUBA  RAGA XILKA LOO DOORTAY  XAFLADAHA U DHIGANAYOOW.!!

Waxaan salaamayaa dhamaan umadda Somaliyeed,Gaar ahaan waxaan si  balaadhan u salaamayaa shacbiga intiisa jilicsan ee baahidda iyo darxumaddu astaanta u noqotay een weli helin maamul dareema dhibta iyo murugadda la deriska ah,waxaanan Alleh uga rajeynayaa naxariistiisa balaadhan iyo dayac tir ummadaa baahideeda  ayaan Alleh uga baryayaa.Amiin, Amiin

Sidda aynu wada ogney shacbigeenu inta baddan waa dan yar aan ku tiirsaneyn ururro samo fal ah,wasaaraddo  dawladdeed oo baahiyaha shacbiga wuxuun ka taageera ama gacan ka geysta qoyseska gaajadu dubatay iyo waayeelka jiifka tahliwaayey darxumo owgeed iyo xoolahooda dayaca deegaanku saameeyey.Shacbigeenuna  laftiisuna ma laha xirfad ay ka dhaxleen maamuladdii is daba jooggey ee soo maray  waxaan dhib ahayn kama ay dheefin ma jirto xadhig ay cidi u soohday umaddan oo meeluun ay baahidooda kaga dagagaraan. Dhan kaad eeg-taba waa umad goblan lagu tilmaami karo markaad jaleecdo waayahooda guud ee aad eegto xaaladooda iyo taariikhda baahiyeed ee ay leeyiin umaddani, ciddii xilka u soo cumaamadataana wax yeelo mooyee ceel umay qodin shinbiri ka cabto.


Shacbigeena waxa  ku geddaaman dhibaatooyin dabiiciya iyo kuwo  xaalad xirfad la‘aaneed ,maamul xummo, iyo mid dhaqanka ay leeyiin sabab u yey wax yeelada ummada oo aan odhan karro waa arinta racfaamisay kobaca bulshada iyo horumarinta dadka iyo deegaankaba.Aduunyada waxa ugu darran qoomiyad dhaqankeedda iyo hidaheedu lid ku yahay iyaga laftooda wax yeelo weyna u geeysanayo, deegaankooda, xoolahooda,iyo dad ahaantoodaba.Dhibta dhaqanka aynu leenay  ku hayo deeggaanka iyo xoolaha waxa aan odhan karaa nabaadguurka dhulka dhaqanka qaarkii ayaa u sababa.


In kastoo wakhtiyadii hore ee dunidu mugdiga ahayd ee aynaan lahayn awood iyo xadaarad horumar lagu gaadho waa sax in dadku dhirta u isticmaalaan hoyga iyo qalabka kale ee loo adeegsanayo nolasha markaad dib u jaleecdo hoyga reer guuraageenu ay dhistaan iyo weelka iyo qalabka ay adeegsadaanba waxa uu ka sameysan yahay dhirta runtiina waa arinta kaliftay in dadku ku dhiirado dhirta oo uu si howl yar u jaro xataa markii loo gudbay wakhtiyadii casriga ee laga maarmay in hoyga iyo weelka laga sameysto dhirta.Weli fandhaalkii,udubkii,koortii,dhigtii sarabkii,kebadii,hadhuubkii,daabkii-gudinta,qabaalkii,digga-diga-xaadhkii,, dhuxushii,moofadii,maraaqii la shidayey,  ama aynu u calaacalayno.


Mushtamacan ma laha xirfad ay ka dhaxleen maamauladii soo maray ilaa wakhtigii isticmaarka iyo kan maanta taagan ba ma jirto cid wakhti gelisay in hoos loo eego dhibta la deriska ah. Laba wakhti uun baa la xasuustaa oo weliba raga xilka hayaa xasuustaan mar waa maalinta Vote-ka uu uga baahan yey maalina waa maalinta uu nin xil raadisi dagaal galinaayo waa in ummada siddan loo dhaamo oo caqliga dhanka fiican loo jiheeyaa.

Miyaanay  Dawladan iyo indheer-garadka iyo ganacsatada xil ka saarreyn sidii xal loogu heli lahaa arimahaa dhibta weyn ku haya ummada iyo xoolahaba iyo weliba quruxdii deegaankaba maxaa wasaaradaha ay arintani khusaysaa kaga meeraysanayaan magaalooyinka miyaan loo dooran in ay howlaha umaada iyo deeganka haysata in ay wax ka qabtaan, maaha in fadhiga iyo  mashaariicda dhalanteedka ah lagu siiyo abaal gud iyo amaan beena.Wasaarada hawlahan qaabilsani waa in ay mashaqadan soo jireenka ah wax muuqda ka qabataa marka la arko masuuliyiintii oo ku hawlan wax qabad mushtamucuna wuu ku garab galaa heegana waa loo noqonayaa wax qabadka ee waa in laga helaa masuuliyiinta dedaal dhaba maaha war bixin iyo qoraal laba xafiis isu gudbiyaan oo kaliya.

Ururro iyo hay’ado aad u badan oo magac deegaan iyo magaalooyin sita ayaa dalka jooga oo aan wax ay dhibatooyinkaa ka qabtaan aanay jirin balse  wax kale ayay ka shaqeeyaan ee deegaanka waxba kama qabtaan mana jirto cid la xisaabtanta oo dabagal ku samaysa shaqadaas ay sheeganayaan in ay ummada u qabtaan waana arin u baahan in hoos loo eego wax-ma tarayaasha fadhiga ku Raamsanaya ee hadana baahida moholin iyo siigodan hadal haya balse aan halkaa u dhaafin.


Shakhsiyan waxaan soo jeedinayaa in wasaaradaha sidda tooska ah ay u khuseyso arintani iyo muwaadiniinta daneynayaaba ay figradaha umada iyo talooyinkooda ay u sameeyaan weel lagu uruurriyo iyo barnaamij iyo wakhti lagu fallanqeeyo si xal degdega loogu helo dhibaatadan ummada iyo xoolahaba,deegaankaba wax yeelada ku haysa.Weliba aniggu waxaan u soo jeedinayaa dawladu in ay madnuucaan isticmaalka dhirta ganaaxna lagu soo rogo ciddii isticmaasha waana in ay dawladu diyaarisaa bedelkii isticmaalka dhirta, wey sahlantay sidda bulshada loogu dhiiri geliyo wixii u dan u ah iyaga iyo xoolahoodaba cidda ay doorteen ee ay u dirteen horumarinta waa dawlada iyo madaxda markaas xilka gacanta ku haysa.

Dhulkeenu waa laba qaybood sidiisaba qeybi waa taa reerguuraaga iyo xoolahooda ku fiican ee ay ku dhaqanyiin waxaanan ku qiyaasi karaa 90% qeybina waa in yar oo ku fiican beero iyo wax soo saar ka raashinka oo aan iyana ku qiyaasi karo 10% guud ahaana  dhulkeena  waxa lagu qiyaasaa  137800 Km square, si wax looga bedelo deegaamada iyo baahida dadka iyo xoolaha waa in wasaarada deegaanka iyo horumarinta reer miyigu ay xilkeeda gudataa dawlada iyo shacbiguna gacan ku siiyaa kuna taageeraa wasaaradaas runtiina waa in abaabulka arintan laga bilaabaa sida tan.


1-Waa in la sameeyaa guuddi xoogan oo joogto ah oo daraasad ku sameysa dhibaatooyinka iyo sidii xal loogu heli lahaa dhibtaa deeganka ee dadka iyo xoolahaba dhibta ku haysa waa in culayska la saaraa siddii biyaha tire-da yaacaya loogu duwi lahaa dhulka u baahan iyo dhirta xooluhu daaqayaan tuule walba waa in loo carbiyaa sidii ay howshan wax uga qaban lahayeen waa 12-bilood loo fadhiisiyaa biyaha si noloshu ugu sahlanaato dadka  iyo xoolaha waa in dawladu hormood ka noqotaa arimahan lagu daryeelayo umada iyo deeggaanka, waa in umaddu ahaadaan kuwa loo adeegayo ee loo xaydenyey taageeradooda.

2-Waa in la sameeyaa maalin la xusso oo xasuus iyo xiisaynba leh oo la yidhaa  “Maalinta Daryeelka iyo Kabidda Lafdhabarta Deegaanka iyo Ummada“.Guusha iyo horumarku cidda xilka haysa waa u sharaf waa u guul waa u dhaxal ay reebeen oo lagu xasuusan doono haddii ay gutaan howlaha horyaala maanta oo ay ka fa‘iideeyaan janiska hor yaal ee ay mudded wax ugu qaban karaan runtii umadana waa u hiil iyo horumar oo waa u nolol iyo taageer wacan iyo kurbo ka hadhay waanay ku farxayaan maamulkii ay doorteen oo garab taagan oo daacad ugu adeegaya.Waxa aynu markhaati ka wada nahay umadda in aan ciddi weli wax ay u qabato daayoo aanay maalina ka fikirin dhibkooda cidiise ku talaabsata arin wax loogu qabanayo ama wax lagu tarayo umadda iyo deeggaanka waxa ay noon doonaan kuwii ugu horeeyey ee daryeelka umadda guul ka gaadhay.

Gunaannad…Waxaan ku soo gebogebeynayaa qoraalkeygan tilmaanta iyo talada xanbaarsan ummad la tumay bay talo jirtaa waa in fadhiga laga kacaa oo umadda iyo deegamadaba baahiyahooda wax laga qabtaa oo dhibaatada jirta xal loo helaa oo maamulka hada talada hayaa uu kor uga kacaa halka maanta itaal iyo magacba yaalo.Haddii aan umaddaa wax loo qaban qaranimo iyo dakhli jirayaa ma jirto sidda aynu wada ogsoonay dadkeenana hab dhaqankooda nololeed waxa uu ku tiirsanaa  oo uu kuxidhnaan jiray  ilaa hadana  uu ku xidhan yahay ama dhaqaalaheenuba ku tiirsan  yahay waa xoolaha noon waxa wax  inaga soo galaana waa xoolaha nool in la daryeelo oo lagu tabcaa waa daruuri.Dawladu ha ku dhaqaaqdo sidii loogu gurman lahaa ummadaa iyo xoolahaba mushtamaceena 95% ayaa ah xoolodhaqato ama reer guuraa hadii dhibtooda layska indho tiro oo laga gaabsado doontu mar bay wada degeysaa.

Maxamed-Amiin Dahir Caynaanshe

Columbus, Oh/Usa


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>