Dowladda Sacuudiga ayaa aqoonsatay Laba
Maxjar oo xoolaha laga dhoofiyo kuwaas oo ku kala yaala Magaalooyinka
Boosaabo iyo Berbera.
u qaybsanaha Safaaradda Soomaalida ee
dalka Sacuudiga ee arrimaha Ganacsiga Cali Maxamed Axmed ayaa daboolka
ka qaaday in dowladda Sacuudigu ay aqoon satay labo Maxjar oo ku yaal
magaalooyinka Boosaaso iyo Barbara in laga dhoofiyo xoolaha Soomaalida
ee dalkaasi loo iib geeyo, iyadoo sanadka xagaaga soo socdaana Maxjarro
kale laga furayo Muqdisho iyo Kismaayo.
Cali Maxamed Axmed u qaybsanaha
Saafaaradda Soomalida dalka Sacuudiga ee arrimaha ganacsiga oo la
hadalayay Idaacada BBC ayaa hadalkiisa intaa ku daray in arrintani ay
ka danbeysay kadib markii Maxjaradaasi ay booqdeen dhaqaatiir ka
socotay dalalka Khaliijka kuwaas oo baaritaano ku sameeyay Maaxjaradaasi
oo ay ku shirkoobeen ganacsato Soomaali iyo Sacuudiyaan ah.
Cali Maxa’med ayaa intaa raaciyay in
aarrintaan ay fursad u tahay dhaqaalaha Suuqyada Soomalida gaar ahaan
dadka xoolo dhqatada ah.
Arrinkani ay aa ku soo beegmaya xilli
xoolo badan ooh ore wadanka laga dhoofiyay dib loo soo celiyey kuwaas
oo la tilmaamay in aan baarin la marsiin Xoolaha Soomaalida ayaa
tobankii sano ee ugu danbeysay waxaa ay ahayeen kuwo caafimaadkooda
shaki laga muujinayay.