Duqeyn xoogan oo ey ciidamada AMISOM xalay u qeybiyeen degmooyin dhowr ah oo ka tirsan magaalada Muqdisho ayaa khasaarooyinki ey geeysteen saakay la arkay.
Duqeyntan ayaa ciidamada AMISOM la beegsadeen degmooyinka magaalada Muqdisho kuwaas oo ey ka mid ahaa xaafadda Xamar Jadiid ee degmada wardhiigleey, Jungal Yaaqshiid iyo Heli waa qaybo ka mid ah.
Qaar madaafiicdan ka mid ahaa ayaa sidoo kale ku dhacay gudaha suuqa weyn ee bakaaraha iyo xaafado ka tirsan degmooyinka hawl wadaag iyo Hodan.
Wararkii ugu horeeyey ee ka soo baxay duqeyntii xalay ayaa sheegeysa in ay ku dhinteen labo ruux oo rayid ah halka sedax kalena ay ku dhaawacmeen.
Duqeyntan ayaa ahayd mid soconayaysey waqti dheer iyadoo xilli uusan jirin wax dagaal ah oo ka jiray magaalda Muqdisho.
Ciidamada AMISOM ayaa inta badan ku dooda inaysan haba yaraatee wax duqyn ah u geysan goobaha ay deggan yihiin dadka rayidka iyagoona inta badan duqeemaha noocaas ah ku eedeeyey kooaha dawladda ka soo hor jeeda.
Xaaladda goobihii xalay la duqeeyay ayaa subaxnmadan deggan iyadoo dadkii ku dhaawacmay duqeyntii xalayna isla markaanta loo gudbiyay goobaha caafimaadka oo iminka lagu dabiibayo.
Si kasta ha ahaatee marar badan ayaa laga hadlay duqeeymaha aan loo meel dayeen oo ay ciidamada AMISOM ka geysanayaan gudaha magaalda Muqdisho waqti uu dagaal jiro iyo waqti uusan dagaalba jirin labadaba.