Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Alshabaab oo dib ula wareegay magaalada B/Xaawo dadkii ka qaxay dib ugu noqonaya

$
0
0

Ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ayaa  saaka ka baxay degmada B/Xaawo ee gobalka Gedo kadib markii ey qabsadeen dhowr asbuuc ka hor.

Wararka ka imaanaya degmadaasi ayaa sheegaya in ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ay ka   bexeen Beledxaawo iyadoo aanu jirin wax dagaal ah oo ka dhacay degmadaasi.
Dad ku sugan magaalada Beledxaawo ayaa xaqiijiyey inay arkayeen ciidamada dowlada oo saaran gaadiidka dagaalka oo saaka waaberigii ka baxay magaalada.

Xoogaga Xarakada Shabaab ayaa la xaqiijiyey inay magaalada ksoo galeen ka dib markii ciidamada dowladu bexeen.
Xaalada degmada ayaa haatan degan wallow laga dareemayo magaalada isbedelka maanta ka dhacay.

Lama soo sheegin wax khasaare ah oo halkaasi ka dhacay. Waxaana isbedelkan uu ku soo beegma labo todobaad ka hor markii ay ciidamada dowlada oo ay wehliyaan kuwa Ahlu Sunna ay dagaal kaga qabsadeen magaalada Xarakada Shabab.

Saraakiisha dowlada ee ku  sugan gobolka ayaan ka hadin isbedelkan maanta dhacay. Waxaana wararka ugu dambeeya ay sheegayaan in ciidamadii saaka ka baxay Beledxaawo ay gaareen degada Doolow oo ku taalla xuduudka Ethiopia.

Dadkii ka barakacay magaalada ayaa weli intoodii badneyd waxay daadsan yihii  duleedka  magaalada waxaana aad u yar rajada ay dadkaasi ka qabaan inay guryahooda dib ugu laabtaan.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>