Waxgarad ka soo jeeda gobalka Hiiraan ayaa dadaal xoogan ugu jira in xabsiga laga siidaayo Yuusuf Axmed hagar dabageed oo horay u ahaa Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan haatana ka mid ah Maamulka Dooxada Shabelle.
Wararka ayaa sheegaya in odayaal dhaqameedyo ku heyb ah Dabageed ay wadahadal kula jiraan Ciidamada Itoobiya ee dhawaan qabtay dabageed ka dib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay maamulka Dooxada shabeelle.
Saraakiisha maamulka Dooxada shabelle ayaa sheegay in dabageed uu ka hor yimid Madaxweynaha maamulkaas islamarkaana arintaas loo gudbiyay Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Feer feer.
Si kastaba ha’ahaatee yuusuf Dabageed ayaa ku xiran Xabsi Ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin deegaanka Feer feer lamina oga in dadaalka Odayaasha lagu soo dayn doono.