Dowladda Mareykanka ayaa cambaareyn dusha uga tuuray maamulka xarakada Al-Shabaab dilkii ay ku fuliyeen labo gabdhood gudaha magaalada B/weyne iyagoo ku eedeeyay basaasnimo ey basaasayeen dowlada KMG ah.
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Mareykanka ayaa wuxuu sheegay in dadka falkaas ku dhaqaaqay inay yihiin dad rabay inay argagax u ridaan Bulshada Soomaaliya, hase ahaatee kuma ay guulaysanayaan ujeedadooda,
Afhayeenku wuxuu falkaas ku tilmaamay wax ka baxsan bini’aadanimada ee maamulka Xarakada Al-Shabaab ee gobalka Hiiraan uu sameeyay.
Sidoo kale Afhayeenka ayaa ku sifeeyay dhacdadaasi inay ka tarjumeyso sida Al-Shabaab aysan u dooneynin nabad iyo xasilooni ka dhalata Soomaaliya.
Todobaadkiiayay aheyd markii labo gabdhood la toogtay magaalada B/weyne kadib markii ey ciidamada Alshabaab ku eedeeyeen iney u basaasayeen ciimada dowlada iyo kuwa Itoobiya iyada oo inta la ogyahay aan la geynin maxkamad laga qeyb galay iyo qareen midna.