Wakiilka xogyaha guud ee Qaramada Midoobay ee
Somaliya Ambasador Ogostino Mahiga, ayaa maanta booqasho ku tegay
magaalada Garowe halkaas oo kula kulmay madaxwaynaha Puntland
Cabdiraxman Sh.Maxameded iyo xubno ka tirsan golaha wasiirrada.
Booqashada wakiilka xoghayaha guud ee qaramada
midoobay uu ku yimid Puntland, waxay ahayd mid la sugayay maalmihii la
soo dhaafay, waxaa markii uu yimid Garowe lagu soo dhaweeyay xarunta
madaxtooyada ee Garowe halkaas oo uu kula kulmay Madaxwaynaha Puntland
iyo madax kale oo dawladda ka tirsan.
Madaxweynaha Puntland iyo safiirka oo kulankoodi
ka dib warbaahinta la hadlay waxay wadajir u tibaaxeen inay si qoto
dheerisula soo qaadeen arrimaha ka taagan guud ahaan Somaaliya ,
xiriirka dawladda federalka ee Somaliya iyo Puntland iyo arrimo kale oo
iyana khuseeya gudaha Puntland.
Si gaara waxaa farta loogu fiiqay dhinaca la
dagaallanka burcad-badeedka, iyo dhinaca horumarinta dhaqaalaha iyo
kaabayaasha dhaqaalaha waxayna sheegeen labada masuul in loo baahan
yahay taakulo caalamku ka gayasto arrimaha gacanta u baahan ee horumarka
Puntland la xiriira.
Ambasador Mahiga oo isagana su'aalo laga
waydiyay ujeedada booqashada uu ku yimid Puntland iyo waxa uu ka
kororsaday socdaalkiisa, ayaa tilmaamay in booqashadiisu ay salka ku
hayso arrimo kala duwan oo isugu jira guud ahaan xaaladda Soomaaliya iyo
tan gaar ahaaneed ee Puntland.
Wuxuu yiri: " waxaan u imid Puntland inaan arko
dawladda Puntland dhamaan dhinacyada kala duwan ee dawladnimada,
horumarka dhaqaalaha, iyo hormarka dhinaca nabadgelyada.
Waxaan kaloo halkan u imid inaan dhiirrigeliyo
hoggaaminta, Puntland waxay durba u samaysay awood ay taas kaga qayb
qaadato, waxaana filayaa inaan u baahanahay inaan cayaaro kaalintayda si
aan dareenka caalamka ugu soo jeediyo Puntland, oo ah meel ay suuragal
tahay in guul laga dhaliyo guushaas oo ah mid ay ku dayan karaan
Soomaaliya inteeda kale.
Wakiilka xogyaha guud ee qaramada midoobay
ambassador Mahiga, wuxuu kaloo tilmaamay in Puntland ay meesha ka
saartay sawir ay ka haystaan dad badan isla markaasna ay muujisay in dad
Soomaali ahi ay ku tallaabsan karaan dhismaha maamul ku dhisan sharci
iyo kala dambayn la isku hallayn karo.
Safiirku wuxuu soo qaaday dagaalkii dhawaan ka
dhacay degaanka Galgala, oo uu ku tilmaamay ka qaybgal buuxa oo uu
maamulku ka gaystay dagaalka caalamiga ah ee lagula jiro waxa uu ugu
yeeray argigixisada caalamiga.