AMISOM waxay ka kooban tahay ciidan ka socda dalalka Uganda iyo Burundi oo ah dalal aan dadkooda wax colaad ahi kala dhexeyn Soomaalida. Weliba labada dalba waxay saaxiibtinnimo la lahaayeen Soomaaliya markii ay lahayd dowlad awood leh.
Cayaaraha bariga iyo bartamaha Afrika, Soomaalidu hadday iyadu harto waxay taageeri jirtay Uganda, marka ay kooxaha tahayna Naadiga KCC ee Dowladda hoos ee Kampala.
Burundi markii afgembigu ka dhacay toddobaatanaadkii, Madaxweynaheedii berigaas wuxuu u cararay Muqdisho, halkaas oo magangelyo siyaasadeed lagu siiyay, aakhirkiina uu ku geeriyooday. Meydkiisii si maamuus leh ayaa dayaarad lagu qaaday oo Wasiir Soomaali ahi uu sii gelbiyay ilaa Bujumbura.
Ciidanka AMISOM wuxuu hadda ilaaliyaa kaabayaasha dhaqaalaha ee magaalada Muqdisho sida Dekedda iyo Garoonka dayaaradaha.
Waxaa kale oo uu ilaaliyaaa saddexda mas'uul ee ugu sarreysa dowladda KMG-ka ah iyo waddooyinka ay dalka uga dhoofaan ama ku soo galaan marka ay socaallo dibadda ah ka soo laabtaan.
Dusha waxay ka ilaaliyaan xaafadaha Muqdisho ee mudanayaasha baarlamaanka, Golaha Xukuumadda iyo weliba ciidanku dowladdu ay ku nool yihiin. Waxaa iyaguna xaafadahaas deggan dad badan oo rayid ah.
Haddii la soo koobana waxay dadka qaar yiraahdaan haddii aan AMISOM joogin, ma jirteen Dowlad Soomaaliyeed oo la aqoonsan yahay.
Intaa waxaa dheer in AMISOM ay adeeg caafimaad oo kooban ay u fidisaa dad rayid ah oo u badan dan yar.
Wax qabadkaas oo dhan waxaa hareeyay eedeyn xoog leh oo ka dhan ah AMISOM oo lagu eedeeyay in ay marar badan dad rayid ah ku dishay madaafiic ay ku ridday meelo ay ku doodeyso in iyada laga soo toogtay.
Madaafiicdaas sida la sheegay waxaa ku dhintay dad rayid ah, waxaana ku dhaawacmay qaar ka sii tiro badan, qaar kalena wey ku bara kaceen.
Khasaaraha waxaa wehliya hanti ku gubatay ama ku burburtay madaafiicda.
Arrimahaas AMISOM marnaba ma garowsan, waxayna ku adkeysan jirtay inaysan isticmaalin qoryo culus iyo in meeshii laga soo toogto oo keliya ay u jawaabto.
Laakiin eedeyntuna ma joogsan. Xataa madax sare oo dowladda ka tirsan ayaa qiraya, haddaan warkooda la shaacineyn.
Madaxda Soomaalidu waxay u qeybsameen qaar sida AMISOM u hadla, qaar iyada eedeyn u soo jeediya, iyo qaar la aammusan mowqifkooda, waaba hadday u kuur galeene.
Si kastaba ha ahaatee, AMISOM, colaad ayeey u abuurtay dhimashada dadka rayidka ah ee lagu eedeeyay in ay ku dhinteen duqeyn ay iyadu geysatay.
Sabab kastaa ha keento, go'aanka hadda ay AMISOM ku gaartay in ay xirto askar iyada ka tirsan, ay baaritaan ku sameyso in ay gef geysteen, isla markaana ay raalli gelin ka bixiso falkii dhacay, waa arrin wax weyn ka beddeli karta sida loo arko AMISOM.
Hadday AMISOM ka dhowrsato xad gudub nafta iyo maalka dadka rayidka ah isla markaana gefkii dhaca ay jawaab ka bixiso, waxaa imaan karta in ay taageero ka hesho, dad badan oo hadda aan kalsooni ku qabin.
Dabacsanaanta ay AMISOM muujisay waxaa ay wiiqi kartaa doodda kooxaha dowladda la dirirsan oo dagaalkooda ku macneeya in uu yahay mid ku wajahan in ay AMISOM xoog uga saaraan dalka.
Waxay sidaa ku doodaan iyaga oo og in ay ka hub culus tahay, haddayba kalliftana diyaar loola yahay gurmad xag dhul, cir iyo badba leh.
↧
Raalli gelinta AMISOM maxay keeni kartaa
↧