Garyaqaan ah Soomaalida-Mareykanka ayaa lagu dilay meel aan ka fogeyn xarunta madaxtoyada. Ganaacsadaha oo lagu magacaabo Bashiir Axmed Cabdi oo 51-jir ahaa,ayaa sida la sheegay u tegay magaalada Muqdisho si uu uga caawiyo R/Wasaaraha Somalia arrimaha dhisida dowladiisa isagoo sida la sheegay saaxiib dhow la ahaa R/Wasaaraha .
Marxuumka oo laba toddobaad ka hor ka tagay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka oo uu ku noolaa, ayaa u tagay Muqdisho sidii uu gacan uga geysan lahaa dhismaha xukuumad ay Soomaaliya yeelato.
Mr. Cabdi oo ahaa garyaqaan, ayaa u tagay Muqdisho sidii uga caawin lahaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Max’ed C/llaahi Max’ed (Farmaajo) dhisidda xukuumad waxtar leh.
Iyadoo Mukhtaar Cusmaan oo ay qaraabo yihiin uu sheegay in la toogtay Arbacadi isagoo gaari nooca raaxo ku marayay meel ku dhow madaxtooyada Soomaaliya, balse lama sheegin cidda dilkiisa geysatay.
Ganacsadahan, ayaa magaalada Minneapolis ee gobolka Minnsota ku lahaa dukaammo lagu iibiyo dharka, iyadoo saxiibbadii ay sheegeen inuu aad uga walaacsanaa ku laabashadiisa Soomaaliya, balse uu qaatay go’aan ahaa inuu isbadalka lagu samaynayo dalkiisa qayb ka qaato. Wuxuuna ifka uga tagay xaas iyo afar caruur ah.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi, oo isaguna ah Soomaali-Mareykan muddo dheer ku noolaa degmada Buffalo ee gobolka New York, wuxuuna qorsheynayaa in xasiliyo Soomaaliya oo aan lahayn muddo 20-sano ah, xukumad isbadal dhalin karta.
Magaalada Muqdsho ee xarunta Soomaaliya, ayaa waxaa maalin walba ka dhaca dagaallo u dhexeeya ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo xooggga kasoo horjeeda sida Xarrakatul Shabaab, kuwaasoo sannadkan oo keliya ay ku dhinteen 2,000-qof, oo intooda badan ay dileen duqeymaha xad-dhaafka ah.
Agagaarka madaxtooyada Soomaaliya oo ay daggan yihiin Madaxweyne Sheekh Shariif, guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan iyo ra’iisul wasaare Maxamed C/llaahi, ayaa ah goobta keliya ee ammaanka ah oo ay ka taliso dowladda.