Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Mudaaharaad lagu dalbanayey in la ansixiyo dowladda oo maanta ka dhacay maqudisho

$
0
0

Dad mdaaharaad isugu soo baxay magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay xildhibaanda Somalia iney ansixiyeen xukuumadda uu dhowaan ku dhawaaqay R/Wasaare Farmaajo.

Banaanbaxayaasha, ayaa waxay ku qaylinayeen erayo ay ku codsanayaan in codka kalsoonida ah lasiiyo xukuumadda Somalia, iyagoo ku hanjabay inay xildhibaanna ugu geli doonaan xaruntooda Muqdisho.
"Xildhibaanada baarlamaanku, waa inay codka kalsoonida ah siiyaan xukuumadda cusub, waayo waa mid yar oo isbadal dhalin karta" ayay tiri mid ka mid ah haweenkii soo qabanqaabiyay dibadbaxa, taasoo ay ka muuqatay caro xooggan.

Haweeneydan, waxay sheegtay in shacabka Soomaaliyeed ay dhibaatooyin kala duwan haystaan, xildhibaannaduna aysan ahayn kuwo ka naxaya shacabka, iyadoo tiri: "Haddii aad shacabka ka naxaysaan ansixiya xukuumadda".
Golaha wasiirrada cusub, ee uu bishan soo magacaabay Ra'iisul wasaare Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa ku hungoobay inay Isniintii lasoo dhaafay codka kalsoonida ka helaan xubnaha baarlamaanka, kaddib markii ay xildhibaanadu isku khilaafeen qaabka codka loo qaadayo.

Weli, waxaa la dareemayaan kala fikir duwanaasho qaabka codka lagu siinayo xukuumadda oo u dhexeysa mudanayaasha baarlamaanka, iyadoo ay jiraan kulammo kala gooni-gooni ah oo ay xildhibaannadu leeyihiin.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>