Madaxweynaha Masar,Xosni Mubarak, ayaa beeniyay
eedeymo sheegayay in dalkiisu uu taageero kooxo fallaago ah oo ka
dagaallama Ethiopia.
Madaxweyne Mubarak wuxuu sheegay in uu la yaabay eedeynta oo ay Ethiopia soo jeedisay Talaadadii.
Labada dal, waa Masar iyo Ethiopia waxaa u
dhexeeya khilaaf muddo dheer jiray oo ku saabsan sida loo wadaagayo
biyaha webiga Niil.
Ethiopia waxay hormuud ka ahayd dadaal lagu
burinayo heshiis xilliga gumeysiga la dhigay oo Masar iyo Sudan siinayay
qeybta libaax ee biyaha webiga Niil.