Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Sh. Indhacadde oo sheegay ineysan ciidamadiisu ku sugneyn meel ey ka taliso dowladda KMG ahi

$
0
0

Sheekh Yusuuf Maxamed Siyaad (Indhacadde), ayaa markale ku celiyey inuu ka baxay dowladda KMG ah kadib mar uu maant la hadlayey idaacadaha maaxaliga ah isagoo intaasi ku daray inuu dhinac ka heysto magaalada muqdisho.
Indhacadde oo maalin ka hor sheegay inuu isaga baxay dowladda Soomaaliya, ayaa daboolka ka rogay in ciidammada uu hoggaamiyo aysan ku sugnayn goobaha ay dowladdu ka taliso.
"Ciidammada aan hoggaamiyo, kuma sugna goobo ay dowladdu ka taliso, ee waxay ku sugan yihiin goobo ay ka xoreysteen Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islaam," ayuu yiri Sheekh Yusuuf Indhacadde oo wareysi siiyay idaacadaha Muqdisho qaarkood.
Wasiir u dowlihii hore ee wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, ayaa sheegay in ciidammadiisu ay dagaal kula jiraan xoogagga hubeysan, aysanna taas weligood ka laabanayn, isagoo sheegay in siyaasiyan iyo askariyan ay dowladda ka baxeen.
"Dowladdu, kama aysan hadlin goobaha aan ku sugannahay, innaguna kalama hadlin, balse haddii ay ka hadasho ayaan ka hadli doonnaa," ayuu yiri Sheekh Yuusuf Indhacadde, oo u muuqda inuu si toos ah uga laalaabtay xukuumadda Soomaaliya.
Horraantii sannadkii lasoo dhaafay, ayuu Sheekh Yuusuf iyo ciidammo uu horkacayo kasoo goosteen ururka Xisbul Islaam, oo xilligaas ku dhawaaqay inuu ka horjeedo dowladda Soomaaliya, isagoo bilaabay dagaallo uu kula jiro kooxaha hubeysan, waxaase uu dhowr jeer ka badbaaday isku dayo lagu dili lahaa.
Xukuumadda Soomaaliya, ayaan weli ka hadlin go'aanka uu qaatay Sheekh Yuusuf Indhacadde ee uu kaga baxay Xukuumadda, waxayna ciidammadiisu ku sugan yihiin qaar ka mid ah goobaha ay ciidammada dowladda iyo kuwa kooxaha hubeysan isaga soo horjeedaan degmada Hodan.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles