Mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo xog wareysi siiyay idaacada maxaliga ah ee Shabelle Radio ayaa ku baaqay in wadahadal wax kastaba ha qaatee lala galo xoogaga Alshabaab iyo Xisbul Islaam.
Xildhibaanku wuxuu qabaa in aan xoogagaas aan dagaal looga guleysan karin wuxuuna xukuumada Farmaajo horboodo ee ugubka ah kula talinayaa in ay fidiso gogol nabadeed si loo daba qabto hambada ummadda Somaaliyeed ka hartay.
Xildhibaan Cali Shiikh Cabdullaahi Afgooye wuxuu ugu dambeyntii ku celceliyay sida aan looga maarmin in lala hadlo xoogaga Alshabaab iyo Xisbul islaam waloow ay mudan tahay in maanka la geliyo mowqifka ay dhinacyadaas ka taagan yihiin wadaxaajood nabadeed ee lala galo dowladda.