Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama ayaa loola cararay cusbitaal ku yaal qeybta hoose ee Aqalka Cadka waxaana lagu qodbay faruurtiisa kore 12 qodob ka gadaal markii xusul afka looga dhuftay.
Xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad ayaa xaqiijiyay in madaxweynaha faruurta kore lagaga dhuftay xusul xili uu ku jiray ciyaar kubbada koleyga ah oo magaalada Washinton uu madaxweynuhu kaga qeybgelayay.
Obama waxaa la sheegay in uu hadda ka soo bogsanayo dhaawicii ka soo gaaray faruurta kore ee ka dhasha ciyaar kubbadda Koleyga ah oo uu ka mid ahaa kooxda cayaareysay.
Xigasho: http://www.timeslive.co.za/world/article786493.ece/12-stitches-for-Obama-after-basketball-injury