Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Beledweyne oo Xalay la weeraray!

Ciidamo la sheegay iney ka tirsan yihiin kuwa dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa xalay weerar ku qaaday magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan oo ay ku sugan yihiin ciidamada Al Shabaab.

Ciidamadan lagu tilmaamay inay ka mid yihiin ciidanka dowladda KMG ayay u suurtagashay inay galaan gudaha magaalada Beledweyne iyagoon la kulmin wax iska caabin ah maadama ciidamada Al Shabaab ay habeenkii isaga baxaan magaalada.Rasaas ay ridayeen ciidankan mar ay galayeen magaalada Beledweyne ayaa sababtay dhaawaca labo qof oo rayid ah.

Ciidankaan ayaa gudaha u galay xarunta maamulka saldhiga booliska iyo suuqa daraawiishta, waxayna ciidamadan ku sugnaayeen magaalada Beledweyne muddo hal saac ah, iyagoo isaga baxay magaalada xalay saqdii dhexe, dibna ugu laabtay fariisin ay ku lahaayeen deegaanka Kalabayrka.

Dad goobjoogayaal ah oo Bar-kulan la hadlay ayaa sheegay in ciidankan ay ka tirsan yihiin ciidanka dowladda Soomaaliya, waxayna tiro ahaan gaarayeen 30 ilaa iyo 40 nin.

Wararka aanu ka halayno gobolka ayaa sheegay in shalay galab lacag loo qeybiyay ciidankan lagu tilmaamay in dowladda ay ka tirsan yihiin, waxaana la sheegayaa in lacagta ay bixinayeen hogaamiyayaashooda oo sheegta inay dowlad goboleed yihiin.

Warar kale ayaa sheegay in wadooyinka yar yar ee gala gobolka Galgaduud ay go’an yihiin kadib markii dadka deegaanka iyo Al Shabaab uu kala soo dhexgalay khilaaf.

Xigasho: Bar-Kulan


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547