Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Afhayeenka dagaalada Alshabaab oo guulo ka sheegtay dagaaladii maalmahan ka socday magaalada Muqdisho

$
0
0

Af hayeenka xarkada Shabaab ee dhinaca dagaalada Shiikh cabdicasiis Abuu Muscab oo  la hadlay Warbaahinta qaar magaalada Muqdsiho ayaa sheegay iney guulo ka gaareen dagaaladii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.
Afhayeenka ayaa war bixintiisa ka bilaabay weerar ay ku qaadeen Fariisin Ciidamada Burunddi ay ku leeyihiin Kuliyaddii hore ee jaallae Siyaad isagoona sheegey ka gadaal markii ay ka warheleen in ciidamadaasi wadadii dadku mari lahaa xireen.

Abuu Muscab ayaa yiri waxaa inoo soorta gashay Saliibiyiintii inaan halkaa weerar ku qaadno isla markaana ay cagaha wax ka dayaan kuwaasii waa siduu hadalka u yiriye awoodi waayay in mid mid ay u galaan Iridda Kuliyadda isagoona sheegey in ay halkaa baqa aawgeed ay is buurteen.
Af hayeenka ayaa intaa raaciyay in halkaas ay kaga laayeen Rag fara badan oo ka tirsanaa Ciidamada Burundiga isagoon xusay in Wadadii dad weynaha ka xayirneed in sidaa ay ku furan tay iyaguna u sabab noqdeen.
Sheikh Cabdicasiis ayaa dhinaca kale soo hadal qaaday dagaalkii ka dhacay Dhinaca bari ee magaalada Muqdish gaar ahaana degmooyinka Shibis iyo Boon dheere, wuxuuna sheegey in halkaasi ay ku laayeen waa siduu hadalka u yiriye Ciidamo fara badan oo ka tirsan AMISOM isla markaana ay ka gubeen Hal Gaari.
Abuu Muscab ayaa bogaadin u direy Ciidamada xarakada Shabaab isagoona kula sii balamay in ay sii wadaan dagaalada ay kala soo hor jeedaan Cadowga
Si kastaba hadaladan ka soo yeeray Xarakada Shabaabul Mujaahiddiin ayaa waxa ay imaanayeen xilli dagaaladii u dhaxeeyay Ciidamada dawladda oo ay caawinayaan kuwa AMISOM ay sii laba lixaadsadeen gaar ahaana Todobaadkan oo ay dagaaladu ahaayeen kuwo Xiriir ah iyadoo dhinacyaduna ay Guulo kala sheeganayaan in kastoo aysan jirin cid ka hadasha ama u hadasha dadka Rayidka ah ee maalin walba ku waxyeeloobmaya Dagaalada iyo Duqayamaha aan kala go’a lahayn.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>