Diyaarad nooca xamuulka hubka waaweyn iyo taangiyada ah ayaa saakay si kedis ah ugu soo degay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargaysa ee xarunta Maamulka Somaliland. Diyaaradan ayaa dad xog-ogaal ahi sheegeen iney sido hub farabadan oo lagu sameeyey dalka Ruushka iyada oo aan dhab ahaan loo ogeyn cidda loo waday.
Diyaarad ayaa masuuliyiin u hadashay maamulka Somaliland waxay sheegeen in ay ka timi dalka Uganda isla markaana ay saaran yihiin lix ruux oo labo kamid ah ay Koonfur Africa u dhasheen halka afarta kale u dhasheen Dalka Ruusha.
Masuuliyiinta Somaliland ayaa waxay sheegeen in Diyaaradan shaqaalaha saaran ay u sheegeen in ay shidaal la’aan soo foodsaartay isla markaana ay Magaalada Hargaysa u fariisatay in ay shidal ka qaadato walow ay ku adkaysanaayaan in aanay waydiisan ogolaansho ku aadan isticmaalka Garoonka Hargaysa.
Sidoo kale waxay sheegeen in diyaaradda ay saaran yihiin shixnaddo hub ah kuwaasi oo ay sheegeen in loo waday ama ay uga shaki qabaan in ay leeyihiin Ciidamada Badda Puntland ee Bossaso hawshoodu iminka ka socoto ama AMISOM ee muqdisho ku sugan.
Diyaaradda ayaa ah nooca waa weyn ee Taangiyada Xambaara waxaana la sheegay in lagu sameeyey dalka Ruushka, lixdii qof ee Diyaaradda saarnaa ayaa la sheegay in loo taxaabay xabsiga ayna xir xireen Ciidamada Somaliland.
Majiro wax ar ah oo kasoo baxay dhinaca Dawladd goboleedka Puntland iyo ciidamada AMISOM ee ku aadan Diyaaradda Hargaysa fariisatay waxaana la filaayaa in ay ka hadlaan saacadaha soo aadan.