Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Puntland Ha Difaacdo Laasa- surad ( Warbixin +Sawiro )

$
0
0

(Ceerigaabo-Galgalanews) Markii uu dhamaaday dagaalkii Sokeeye ee dalka Somalia ee galaaftay Nolosha dad badan oo rayid ah qaar kale oo badana ka barakiciyay Guryohoodii isla markaana dhaxalsiisay dhibaato aan dhamaad lahayn, ayaa waxaa gobolada dalka qaar ka dhacay hishiisyo dhex maray beelaha Soomaaliyeed kaas oo gogol xaadh u noqday in qolo walba ay ku guryo noqoto halkii ay awal deganayd.
Odayaasha dhaqanka oo iyagu Xaal mastuurkan hurmuud ka ahaa ayaa ilaa iyo maanta ah tiirka keliya ee aan la loodin Karin ee wali isu haya aqalka Soomaali ay leedahay. Waxaana ilaa iyo hada dadka dega Maamulada Puntland iyo Somaliland ay harsanayaan Nabadii ay geed hoostii ka keeneen Odayaasha dhaqanku.
Laakiinse Mudooyinkii danbe waxaa soo baxayay ifafaale tilmaamaya in markale Degeeno kamid ah Maamulka Somaliland laga yaabo in ay Colaad hor leh oo lagu riiqdo ka dilaacdo maadaama laga talaabsaday xayndaabkii ku xeernaa Nabada ee ay Odayaashu horay u dhigeen.
Beelaha ku dhaqan Gobolada Sool iyo Sanaag ayaa ka cabanaya dhul balaadhsi uga imanaya dadkii ay deriska ahaayeen, taas oo horseedi karta isku dhac dhex mara dadka wadaaga daaqa iyo Waraabka ee dhulkaa kuwada nool.Suldaanka Beesha ‘Gahayle ( Suldaan Siciid Cali Maxamed)
Deegaanka Laasa surad ee gobolka Sanaag ayaa tusaale cad waxa ay u yahay habraac qaloocan oo lagu doonayo in deegaankaas looga faramaroojiyo dadkii deegaanka asal ahaan u lahaa kuwaas oo Taariikh durugsan dhulkaas deganaan jiray ilaa haatana ku dhaqan.(Sawirka Guurtida Beesha ) Xuquuqda Sawirka Galgalanews)
Magaalada xeebta ah ee laasa surad waxay magaalada Ceerigaabo ka xigtaa dhanka woqooyi bari waxayna u jirtaa 130km qiyaastii , waxay u dhexaysaa degmooyinka maydh iyo Laasqoray, waxaana taariikh ahaan loo aqoonsaday tuulo 1938-dii waxana ansixiyey Dc-gii wakhtigaa haystey Magaalada ceerigaabo ee Ingiriiska oo la oran jiray Bite.
Laasasurud hada waxaa ka muuqata saasaan Colaadeed taasoo ka dhalatay muran soo jiitamayey Sanadihii ugu dambeeyey oo ku  saabsanaa cida xaq u leh maamulka Degmada oo ka  turjumaya lahaanshaha degmada, iyadoo maamuladii kala dambeeyey ee somaliland u soo magacaabaysey degmada Laasasurud ay noqdeen kuwa fashilma oo ka shaqayn waaya degmada sababta ugu weynina ay ahayd dadka la soo magacaabayey oo aan ahayn kuwo degmada u dhashay ama ka soo jeeda.
Dhowr jeer tiro kabadan oo Maamulka Somaliland uu Hogaan laga soo magcaabay Hargaysa usoo diray Deegaanka Laasa surad ee Gobolka Sanaag ayaa dhicisooday, Waxaana mar walba la iska indha tiray rabitaanka shacabka deegaankaas ku nool,iyadoo dadkuna ay u badax banaanyihiin in ay doortaan cida iyaga Maamulaysa. Laakiinse taasi ma noqon mid lagu waano qaato ee waxaa halkeedii kasii socotay in Maalinba nin cusub la keeno ama Saraakiil sar sare oo Maamulka Somaliland ka socota loo soo diro Deegaanka si dadka halkaas ku nool khasab looga dhigo in ay aqbalaan Hogaan aan dhexdooda ka iman isla markaana kor looga soo magcaabo.
Odaasha,Culumaa’udiinka,Aqoonyahanka iyo Waxgaradka deegaanka ayaa shirar badan oo lay qaateen Xubnihii ka socday Maamulka Somaliland waxaa ay dhamaantood ku dhamaadeen is afgaran waa, Waxaa sidoo kale Wufuud isdaba joog ah oo Odayaasha dhaqanku Hogaaminayaan loo diray Xarunta Maamulka Somaliland ee Hargaysa, si hogaanka sare ee Maamulkaas looga dhaadhiciyo in qof aan dadka deegaanka ahayn Gudoomiye ka noqon doonin Laasa surad isla markaana qof deegaanka ah loo magcaabo Gudoomiyaha degmada ayaa waxaa ilaa iyo hada Odayaasha deegaanku ku guul daraysteen in ay arintaas Maamulka Somaliland ku qanciyaan.
Waxaana mudooyinkii danbe aad usoo xoogaystay abaabul ciidan oo ka dhan ah degmada Laasa surad iyo deegaanda ku hareeraysan ee gobolka Sanaag kadib markii lagu guul daraystay in Maamul kor laga soo magcaabay uu ka hawlgalo gudaha degmada. Waxaana mudo dhowr todobaad ah hada duleedka deegaanka Laasa surad lagu uruurinayaa Ciidamo ka yimi dhinaca magaalada Ceergaabo oo loo ekaysiinayo in ay yihiin ciidan Beeleedyo laakiinse warar lagu kalsoonyahay ay sheegayaan in ay yihiin Ciidankii Somaliland oo dirayskii Ciidanka laga soo dhigay kuwaas oo raba in ay xoog ku muquuniyaan dadka ku nool Deegaanka oo iyagu ilaa iyo hada aan wax gurmad ah aan ka helin dhinaca Maamulka Puntland. Waxaana gudaha degmada iyo deegaanada ku hareeraysan laga dareemaya saan saan Colaadeed.
Ma jirto wax waan waan ah oo ilaa hada laga dhex wado labada dhinac, Waxaana ilaa iyo hada laga war sugayaa Jawaabta uu Maamulka Puntland ka bixin doono daan daansiga dadka deegaanka Laasa surad lagu hayo.
 Daabacada-Galgalanews.comGalgalanews@gmai.com
 
 
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles